HomeMadaxweyne Muuse Biixi oo ka Qayb-galay Xafladda Qalin-jabinta 945 Arday oo ka...

Madaxweyne Muuse Biixi oo ka Qayb-galay Xafladda Qalin-jabinta 945 Arday oo ka Baxay Jaamacadda Camuud (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo hawlo shaqo ugu baxay gobollada Galbeedka dalka Somaliland, ayaa ka qayb-galay munaasibad ay ku qalinjebiyeen 945 arday oo sannadkan ka baxay Jaamacadda Cammuud oo ah dufcadii 19aad, kuwaas oo bartay Takhasusaadka kala duwan oo ay bixiso Jaamacaddu.

Munaasibadda ay ku qalinjebiyeen Ardaydani oo maanta lagu qabtay xarunta Jaamacadda Cammuud ee magaalada Boorama, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, guddoomiye-ku-xigeenka golaha wakiillada, hormuudka Jaamacadda, xildhibaanno, madaxda gobolka Awdal, madax-dhaqameed, siyaasiyiin, Ardayda qalinjebisay, waalidkooda iyo marti-sharaf kale, waxana madasha laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo Ardayda qalinjebisay, looguna mahadnaqayo macallimiintii iyo waalidiintii kusoo tacabtay.

Ugu horrayn hormuudka Jaamacadda Cammuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo khudbad ka jeediyey munaasibadda, ayaa ku dheeraaday dedaalkii ballaadhnaa ee ay Jaamacad ahaan geliyeen Ardayda maanta qalinjebisay, isaga oo Ardaydana ugu baaqay in juhdigii la geliyey ay dalkooda iyo dadkoodaba dib ugu soo celiyeen, waxana uu ammaan u jeediyey cid kasta oo tacab ka geysatay sidii ay ardaydaasi u gaadhi lahaayeen yoolkooda.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa isaguna dhinaciisa hambalyo iyo bogaadin u diray Ardayda qalinjebisay, isaga oo Ardayda usoo jeediyey inay tacliinta ay bartaan ku keenaan isbeddel la taaban karo oo dalka ka hirgala, islamarkaana ay wax cusub Allifaan, wasaarad ahaanna ay dhiirrigelin buuxda la garab taagan yihiiin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ballaadhan u jeediyey ardayda Jaamacadda Cammuud ka qalinjebisay, ayaa ugu horrayn hambalyeeyey Ardayda qalinjebisay, waalidkooda, macallimiintooda iyo hormuudka Jaamacadda oo uu ku tilmaamay tiir iyo Astaan bahda waxbarashadu kusoo hirtaan.

Madaxweynuhu waxa uu si qoto dheer u sharraxay waxyaabaha looga baahan yahay Jaamacadaha qaranka iyo mutacallimiinta maalin walba qalinjebinaysa, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay yihiin xarumaha laga rabo inay keenaan xalkii lagaga bixi lahaa dhammaanba mashaakilka bulshada ku gedaaman,“Adduunka oo dhan mashaakilka yimaadda ee mujtamacooda ku yimaadda waxa xalliya jaamacadaha oo si cilmiyan ah bay u xalliyaan, sidaa darteed jaamacadaha oo dhan oo ay Cammuud ugu horrayso waxa laga doonayaa inay qabtaan cilmi-baadhis oo ay dersaan mujtamaca hoggaamintiisa iyo dhibaatooyinka jira maxaa laga qaban karaa, dabadeedna ay soo saaraan qoraallo cilmi-baadhis ah oo laga faa’iidaysto oo dadka talada haya ay ku hoggaamiyaan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ammaan iyo bogaadin u jeediyey gobolka Awdal iyo shucuubta ku dhaqan, waxana uu ku sifeeyey xarunta nabadda, ilbaxnimada iyo tacliinta, isaga oo xadhigga ka jaray dhisme maqaaxi cusub oo loo bineeyey Ardayda Jaamacadda wax ka barata iyo laammi cusub oo jaamacadda dhexdeeda laga sameeyey.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu shahaadooyin guddoonsiiyey qaar kamid ah ardaydii ugu sarraysay jaamacadda ee sannadkan, iyada oo 136 kamid ahi ay ka qalinjebiyeen Master, halka 808-Arday ay ka baxeen aqoonta Digriiga koowaad iyo diploma-da.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories