HomeMadaxweyne Muuse Biixi oo Ka Qayb-galay Aas Qaran oo loo sameeyey Wasiirkii...

Madaxweyne Muuse Biixi oo Ka Qayb-galay Aas Qaran oo loo sameeyey Wasiirkii hore ee Gaashaan-dhigga Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Hargeysa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay Aas qaran oo xabaalaha RUWEYDA (Halleeya) ee duleedka Waqooyi Bari ee caasimadda Hargeysa loogu sameeyey Marxuum Cumar Maxamuud Nimcaale (Cumar yare) oo shalay ku geeriyooday Hargeysa.

Aaska qaran ee loo sameeyey Marxuum Cumar Maxamuud Nimcaale, waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, hoggaanka axsaabta qaranka, xildhibaanno, siyaasiyiin, madax-dhaqameed iyo haldoor kale oo bulshada kamid ah, waxana halkaas lagu soo bandhigay taariikh-nololeedkiisii, xilalkii kala duwanaa ee uu dalka kasoo qabtay muddadii uu noolaa iyo sidii uu ugu adkaa qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

blankQaar kamid ah la-taliyayaasha madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo madax-dhaqameed ay saaxiibbo dhaw ahaayeen marxuumka, ayaa si faahfaahsan uga hadlay sifooyinkii wacnaa ee marxuumka, waxana ay Eebbe uga baryeen inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkiisa iyo qarankana Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Xubno kamid ah golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland iyo qaar kamid ah hoggaanka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo jinaasada ka hadlay, ayaa ku dheeraaday Taariikhdii ma guurtada ahayd ee marxuumku lahaa, dun-wanaagiisii iyo doorkii shariifka ahaa ee uu kasoo qaatay hirgelinta qaddiyadda Somaliland, waxana ay marxuumka ku tilmaameen halgamaa naftiisa u huray qaranka, kaalinna ku lahaa taabbo-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland.

blankMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa sharraxay qiimaha uu marxuumku bulshadiisa ku dhex lahaa iyo dabeecadaha wanaagsan ee uu ku sifoobay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Wuxuu lahaa dabeecadda is-dhuldhigga, nin aan innaba kibir iyo madax-taag ku jirin buu ahaa, waana dabeecadaha Bani’aamka lagu ammaanay, nin kasta oo yaqaannayna intaas wuu ku yaqaannay, Ilaahayna waxaynu ka baryeynaa abaalka Amni ee uu dalkan u galay inuu ku abaalmariyo.”

Marxuum Cumar Maxamuud Nimcaale (Cumar Yare) oo maanta la Aasay, ayaa kamid ah siyaasiyiintii qaranka usoo shaqeeyey, isaga oo muddii ay Somaliland jirtayna xilal kala duwan oo wasiirnimo kasoo qabtay, waqtiyadii hore ee ay Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay Dawladdii Ingiriiskana xilal soo qabtay.

Marxuum Cumar Maxamuud Nimcaale (Cumar-Yare), ayaa xilkii wasiirnimo ee u dambaysay soo qabtay Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga xilligii Xukuumaddii madaxweyne Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.ne

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories