HomeMadaxweyne Muuse Biixi oo ka Hadlay Yoolka Xukuumaddiisa, wada-hadallada Somalia, Dekedda Berbera...

Madaxweyne Muuse Biixi oo ka Hadlay Yoolka Xukuumaddiisa, wada-hadallada Somalia, Dekedda Berbera iyo Mashruuca Berbera Corridor

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in qiime kasta oo ay ugu kacdo iyo wakhti kasta oo ay qaadato yoolka ay Somailand hiigsanaysaa uu yahay aqoonsi caalamiya oo ay ka hesho beesha caalamka.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo waraysi dhinacyo kala duwan taabanaya siiyey laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da, waxa uu ka hadlay ballaadhinta dekedda Berbera iyo dhismaha jidka Berbera Corridor, waxaanu sheegay in casriyeyntii Marsada Berbera ay shirkadda DP World dhammayn doonto sannadka 2021ka, waxa kaloo uu tilmaamay in jidka Berbera Cooridoor ee isku xidhaya Berbera iyo Wajaale ay dhiseen Boqolkiiba dhawr iyo Toban.

blankSidoo kale, Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu caddeeyey in dhismaha jidka muhiimka ah ee isku xidha Burco iyo Ceerigaabo dhammaystirkiisii ay ka hadhay 60km. waxa kaloo uu tilmaamay in la bilaabi doono dhismaha jid isku xidhaya Jabuuti iyo Boorame oo ay Xukuumad iyo shacab-ba la iska kaashan doono.

Madaxweynaha Somaliland waxa kaloo uu intaas ku daray in shacbiga Somaliland markii ay arkeen abaarihii isdaba jooga ahaa ee dalka ka dhacay ay go’aansadeen inay wax beertaan, si dalku iskugu filnaado dhinaca cuntada. Waxaanu xusay in markii u horreysay ay sannadkan Xukuumaddu ka iibsanayso beeralayda wax-soo-saarkooda.

Madaxweynaha JSL oo wax laga weydiiyey asbaabaha hortaagan aqoonsiga Somaliland, waxa uu iftiimiyey in JSL tan iyo markii ay sannadkii 1991kii la soo noqotay madax-bannaanideeda ay dedaal aanay waxba la hadhin gelisay sidii ay u kasban laheyd aqoonsi, hase ahaatee muddadaas ay JSL qabsatay guulo badan oo ay ka mid yihiin dib u dhiska dalka iyo inay dhisatay dawlad dimuqraadi ah oo u qalanta ta caalamka ugu ammaanka badan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku eedeeyey dawladda Muqdisho inay aqoonsigii iyo dhaqaalihii caalamku siiyey ay u adeegsatay inay Somaliland kala dagaalanto xaga dhaqaalaha iyo inay isku daydo inay qas ka rido Somaliland gudaheeda.

Madaxweynuhu mar wax laga weydiiyey dhinaca wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu sheegay in Soomaaliya looga baahan yahay inay aqbasho xaqiiqda ah inay labada dhinac ahaayeen laba dal oo isku biiray. Waxaanu ku dooday in loo baahan yahay in la helo cid labada dhinac dhex u ah oo u garnaqda.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay inay Somaliland iskugu tagtay sidii loo xakameyn lahaa xannuunka Covid-19 isla markaana qalabkii loo baahnaa Boqolkiiba 63 la keenay inta kalena la sugayo inuu dalka soo gaadho.

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories