HomeMadaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay Ujeeddada Kulan Hargeysa ku dhexmaray Taliyaha...

Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay Ujeeddada Kulan Hargeysa ku dhexmaray Taliyaha Ciidanka Maraykanka ee Afrika

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa dalka ku soo dhaweeyey Taliyaha Hawl-galka Ciidamada Maraykanka ee Africa (AFRICOM) Jeneral Stephen Townsend iyo Safiirka Maraykanka Larry Andre oo ka soo degay gegida diyaaradaha ee Egal International Airport.

blankMadaxweynaha oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada iyo Talieyeyaasha Ciidamada Milatariga iyo Booliska, ayaa kulan la qaatay Saraafiisha Milatariga iyo Safiirka Maraykanka, waxaanay labada dhinac ka wada-hadleen xoojinta xidhiidhka Iskaashiga ammaanka ee labada waddan.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay kulanka dhexmaray masuuliyiinta dowladda Maraykanka iyo Arrimaha ay wada-hadleen, waxaanu sheegay in arrimaha ugu muhiimsan ee kulanka lagu soo qaatay ka mid yihiin xoojinta xidhidhka labada waddan iyo iskaashiga dhinaca amniga.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter ku sheegay, “Waxaan Somaliland ku soo dhaweeyey Taliyaha Hawl-galka Ciidanka Maraykanka ee Afrika Generaal Stephen Townsend iyo Danjire Larry Andre. Waxaanu ka wada-hadalnay xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka iyo iskaashiga ammaanka ee Labada waddan,” Sidaas ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland.

General Townsend ayaa noqonaya sarkaalkii u sarreeyey Milatariga dalka Maraykanka ee socdaal ku yimaadda Somaliland, waxaanu socdaalkiisa daba-socdaa safar uu madaxweynaha Somaliland bishii hore ku tagay dalka Maraykanka, halkaa soo madaxweynuhu kulamo kula qaatay masuuliyiin ka tirsan dowladda Maraykanka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories