HomeMadaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay Shaqsiyaddii Sheekh Aadan-Siiro oo maanta Geeriyooday

Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay Shaqsiyaddii Sheekh Aadan-Siiro oo maanta Geeriyooday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay shaqsiyaddii iyo Kaalintii uu bulshada ugu jiray Allah ha u naxariistee Marxuum Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro) oo maanta ku geeriyooday cusbitaal ku yaalla dalka Hindiya.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay Sheekh Caalim ah oo kaalin muhiim ah ka soo qaatay nabadeyntii iyo Dib-u-dhiska dalka isla markaana waxtar iyo taageeraba ka geysan jiray Dadka Jilicsan, waxaanu madaxweynuhu marxuumka Ebbe uga baryey inuu naxariistiisa Janno ugu deeqo, dhammaan ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

Dhambaal Tacsi ah oo ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Culimada dalka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 14/07/2022, dalka Hindiya.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey sheekh caalim ah oo ka mid ahaa culimada waa weyn ee dalka, garabna siin jiray bulshada jilicsan, sidoo kalena doormuhiima ka soo qaatay nabadayntii iyo dib-u-dhiskii Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, culimada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories