HomeMadaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay Shaqsiyaddii iyo Doorkii Wax-qabad ee Marxuum...

Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay Shaqsiyaddii iyo Doorkii Wax-qabad ee Marxuum Amb Cumar X Maxamuud oo Hargeysa ku Geeriyooday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Amb. Cumar Xaaji Maxamuud oo Jimcaha maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

blank
Madaxweynaha Somalialnd, Muuse Biixi Cabdi

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey siyaasi waayo arag ah ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay, nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, isagoo laba dal ka soo qabtay xilka safiirnimo ee Jamhuuriyadda Somaliland oo uu u fadhiyey sannadihii 1997 ilaa 2000 dalka Jabuuti iyo 2002 ilaa 2004 oo uu ahaa Safiirka dalka Itoobiya u fadhiyey Somaliland.

blank
Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan (Cumar Dheere)

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, bahda waxbarashada, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, gaar ahaan qoyska reer Ciise Cawaale, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Proff. Cismaan Ciise Cawaale oo shalay oo ay taariikhdu tahay 02/09/2021, lagu aasay caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey aqoonyahan ka baxay dalka iyo dadka kaalin muhiimana ku lahaa dib u dhiskii dalka, gaar ahaan dhinaca waxbarashada oo uu ku dhex jiray muddo 60 sanno ah mihnada macalinimo, isagoo muddo soo ahaa hormuudka kulliyadda waxbarashada Jaamacadda Hargeysa.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories