HomeMadaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Dhammaadka Muddo-xileedka Xisbiyada iyo Qabsoomidda Doorashooyinka

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Dhammaadka Muddo-xileedka Xisbiyada iyo Qabsoomidda Doorashooyinka

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay muranka ka taagan qabsoomidda doorashooyinka dalka ka qorshaysan, waxana uu soo jeediyey in dhammaanba doorashooyinkaas loo daayo hay’adaha sharciga ah ee ay shaqadooda tahay.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in doorashooyinka taagan kala horraysiintooda loo maro waddooyin sharci ah, kuwaas oo loo daba fadhiyo hay’adaha arrimahaas qaranka u qaabilsan, waxaanu yidhi, “Dalku wuu deggen yahay doorashadana wuu gelayaa, habkii loo geli lahaa iyo hay’adihii doorashada qabanayeyna way dhan yihiin, intaas oo doorasho ayeynu u baahannahay waxaana ay u kala horreeyaan sida sharcigu dhigayo, sida doorashooyinka loo kala hormarinayo waxaynu u doorannay hay’ado, axsaabta tobankii sanoba mar hala furaa la yidhi, waxana ay u dooranay oo u xilsaaran Hay’adda Diiwaangelinta ururrada iyo axsaabta siyaasiga ah, guddidaasna Baarlamaankaa u codeeyey, Baarlamaankuna axsaabta oo dhan buu ka kooban yahay, xisbi walibana siyaasadiisa Baarlamaankuu mariyaa.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waxaynu dhisnay Hay’addii doorashooyinka oo u garqaadaysa, xisbiyada tartami doona iyo madaxweyne iyo ku-xigeenka tartami doono, iyadana mucaarid iyo muxaafid waynu ku heshiinay oo waynu dhisnay, cidda kaliya ee ka hadli karta goorta doorasho la qabanayaana waa labadaas hay’adood, cid faro gelin kartaana ma jirto, waxaana loo sameeyey xeer adag”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka hadlay waxa uu sharcigu ka odhanayo doorashooyinka ururrada oo haatan waqtigoodii la taagan yahay waxaanu yidhi, “Saddex doorashaa yaalla, ta koowaad ee xisbiyada haddii muddada tobanka sanno ahi ka dhammaato xeerka Baarlamaanku ansixiyey ee ay ku shaqeeyaan muu sheegin haddii waqtigooda la qaban waayo sida la yeelayo, markaa qaranka waxa ku waajib ah in waqtigeedii la qabto, waayo tixraac kale maleh. Markaa immika waxaynu leenahay waqtigoodii baa la qabanayaa.”

Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay waxa la yeelayo haddii doorashada madaxweynaha waqtigeeda lagu qaban waayo iyo cidda uu sharcigu arrintaas siiyey,“Madaxweynaha waqtigiisa haddii la qaban waayo Distoorkaa sheegay halka loo marayo oo sharci baa ka yaalla, sharcigu ciddii uu siiyey baana ka talinaysa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories