HomeMadaxweyne Muuse Biixi Oo Guushii Doorashada kaddib markii u horeysay Soo Siyaartay...

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Guushii Doorashada kaddib markii u horeysay Soo Siyaartay Xarunta Guud Ee Xisbiga Kulmiye

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane  Muuse Biixi Cabdi, ayaa socdaal gaaban oo booqasho ah ku tegay maanta xarunta guud ee xisbul-xaakimka KULMIYE ku leeyahay caasimadda Hargeysa.

Booqashada uu madaxweyne, Muuse Biixi Cabdi ku tegay xarunta guud ee xisbiga KULMIYE oo aanay cidi ku wehelinaynin, ayaa waxa halkaas kusoo dhaweeyey xubno kamid ah hoggaanka xisbiga ah oo ay kamid yihiin guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga, mudane Xuseen Aadan Cadde, xoghayaha guud ee Xisbiga Kulmiye, mudane Xasan Siciid Yuusuf, guddoomiyaha golaha dhexe ee Xisbiga, mudane Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), guddoomiyaha garabka haweenka heer qaran ee xisbiga KULMIYE, marwo Canab Cumar Ileeye, madaxda garab-yada kala duwan ee xisbiga iyo taageerayaal xisbiga ah, kuwaas oo muujiyey sida ay ula dhacsan yihiin booqashada uu madaxweynuhu xarunta ku tegay isaga oo talada dalka hayey wax ka yar laba bilood.

IMG_0017Socdaalkaa kooban ee uu madaxweynuhu ku tegay xarunta guud ee xisbiga, ayaa ujeeddiisu ahayd sidii uu ugu guurgeli lahaa habsami-u-socodka hawlaha xisbiga, isla markaana u muujin lahaa xidhiidhka toolmoon, wada-shaqaynta iyo wada-tashiga  xukuumadda iyo xisbiga ay ka dhalatay ee KULMIYE ka dhexeeya, waxaana uu madaxda xisbiga ee xarunta ku sugnayd kala sheekaystay sida ay hawlaha xisbigu u socdaan iyo dedaalka ay wadaan.

IMG_9989Xog-hayaha guud ee xisbiga KULMIYE,  mudane Xasan Siciid Yuusuf oo kamid ahaa saraakiisha xisbiga ee madaxweynaha kusoo dhaweysay xarunta guud, oo ugu horrayn sharraxaad kooban ka bixiyey, ayaa sheegay inuu madaxweynuhu qayb waqtigiisa kamid ah u huray xisbiga KULMIYE iyo hawl-wadeennadiisa, isla markaana diyaar u yahay xog-waraysiga xubnaha hawlaha kala duwan ee xisbiga gacanta ku haya, waxaana uu yidhi, “Madaxweynuhu waxa uu doonayey inuu beryahaaba inoo yimaaddo oo uu xisbiga yimaaddo oo uu dadkii ay xisbiga kasoo wada-shaqeeyeen iyo masuuliyiintii xisbiga u yimaaddo  oo uu la sheekaysto, Ballantuna waxa ay ahayd inuu Isniintan maanta ah yimaaddo, iyada oo ay hawlo badani u yaalliin buu haddana yimi, inuu idin baashiro ayuu meesha u yimi, Ajandaheenuna waa salaan iyo isu mahad-celin.”

2Booqashada uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku tegay xarunta guud ee xisbiga KULMIYE, ayaa ka marag kacaysa sida uu muhiimad iyo waqti u siinayo hawl-wadeennada kala duwan ee xisbiga iyo xidhiidhka wanaagsan ee uu la leeyahay hoggaanka xisbiga KULMIYE.

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories