HomeMadaxweyne Muuse Biixi oo Golaha Wakiillada Dib Ugu Celiyey Masuuliyiin Ansixintooda Laga...

Madaxweyne Muuse Biixi oo Golaha Wakiillada Dib Ugu Celiyey Masuuliyiin Ansixintooda Laga Diiday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta ku gacan-saydhay ansixinta masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, kuwaas oo isugu jira wasiirro iyo Wasiir ku-xigeenno la sheegay inay dhaafeen muddadii loogu tala-galay inuu Goluhu ansixiyo.

Qodobbada khuseeya arrintan ee ee Dastuurka Somaliland ayaa dhigaya in madaxweynuhu muddo 90 maalmood gudahood ah  Golaha Wakiillada ugu gudbiyo Wasiirrada iyo Wasiir ku-xigeennada uu magacaabo si Golaha Wakiillada oo ku fadhiya codka shacabka ay u oggolaadaan ama u diidaan ansixinta masuulka madaxweynuhu magacaabay.

blank
madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

Haddaba, Golaha Wakiillada oo ka duulaya qodobkaas, ayaa dib ugu celiyey madaxtooyada qaar ka mid ah Masuuliyiin madaxweynuhu magacaabay Afartii bilood ee ugu dambeeyey oo uu dhawaan u gudbiyey Golaha. Masuuliyiintan qaarkood ayaa buuxiyey shuruudaha, kuwaas oo goluhu ka reebay liiska masuuliyiinta dib loogu celiyey madaxweynaha.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo arrintan ka hadlay, ayaa sheegay in Golaha Wakiillada oo gudanaya waajibaadka ka saaran ilaalinta sharciga dalka ay madaxweynaha dib ugu celiyeen qaar ka mid ah masuuliyiin uu u soo gudbiyey si ay u ansixiyaan.

blankWaxa uu guddoomiyuhu sheegay inay madaxweynaha ka sugayaan inuu dib u soo magacaabo masuuliyiintii hore ama uu xilalkooda masuuliyiin cusub u magacaabo si ay Gole ahaan waajibaadkooda sharci uga gutaan ansixintooda.

“Waa Mas’uuliyiin 14 ah oo madaxweynuhu magacaabay 2-dii bishi 9-aad. Si kastaba ha u dhacdee, waxaanu ogaannay 13-kii bishii 12aad inay muddo-dhaafeen. Marki aan la tashannay golayaasha xagga sharciga annaga oo shuruucda dalka ixtiraamayna, waxaan go’aansannay in madaxweynaha dib loogu celiyo, wuxuuna xaq u leeyahay inuu dib u soo magacaabo xubnaha ama uu baddelo,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Khaliif oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, waxaanu intaas ku daray, “Intii waafaqday waxaan u gudbinnay guddiyadi xaqa u leh.”

Dhinaca kale, wararka ay heshay warbaahinta Somalilandpost, ayaa sheegay in madaxweynuhu isla maanta dib ugu gudbiyey Golaha digreeto uu dib ugu magacaabay masuuliyiinta la sheegay inay ku muddo-dhaafeen xilalka ay hayaan.

Golaha Wakillada Somaliland oo gudo-jira kalfadhigooda labaad tan iyo markii ay xilka la wareegeen bishii 8aad ee Sannadkan, ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda ansixiyaan masuuliyiinta uu madaxweyne Muuse Biixi magacaabay.

Arrintan ayaa noqonaysa markii u horeysay Somaliland ee Golaha Wakiilladu dib ugu celiyo madaxtooyada wasiirro iyo masuuliyiin ku muddo-dhaafay xilalka loo magacaabay iyadoo aan ansixintooda loo gudbin Golaha Wakiillada, taas oo madaxweynuhu aqbalay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories