HomeMadaxweyne Muuse Biixi oo furay Xadka u dhexeeya Somaliland iyo Djibouti

Madaxweyne Muuse Biixi oo furay Xadka u dhexeeya Somaliland iyo Djibouti

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa dalka dib ugu soo laabtay, iyaga oo ka soo gudbay xudduudka magaalada Lawyo-caddo ee ay wadaagaan dalka Jabuuti oo labadii maalmood ee u dambeeyey madaxweynuhu ku sugnaa..

Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa waxa dhinaca dalka Jabuuti ka soo galbiyey xubno ka tirsan Golaha wasiirrada oo uu weheliyo taliyaha guud ee ciidanka booliska Jabuuti oo weftiga u soo gudbay dhinaca Somaliland.

blankTaliyaha guud ee ciidanka booliska Jabuuti oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in isu socodka xadka labada waddan uu furan yahay, wuxuuna xusay in ay aad ugu faraxsan yihiin dhankooda isu socodka labada dhinac.

Madaxweyne Biixi markii uu u soo gudbiyey dhinaca dalka waxa halkaas ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan golaha wasiirrada, taliyeyaasha ciidamada qaarkood, maamulka gobolka Salel, ka degmada Saylac, madax-dhaqameed, Haween, dhallinyaro iyo bulshada qaybaheeda kala duwan oo ruxayey calanka Somaliland iyo caleemo qoyan wuxuuna madaweynuhu salaan sharaf ka qaatay curub ka tirsan ciidanka Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo meel fagaare ah kala hadlay dadweynihii soo dhaweeyey ayaa u sheegay in ay madaxweyaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ka wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo sidii ay iskaga kaashan lahaayeen arrimo ay ka mid ahaayeen dhaqaalaha, ganacsiga, amniga iyo isu socodka labada bulsho ee labada dal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa kale oo uu cadeeyey in ay go’aan ka wada gaadheen dhigiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, in si rasmi ah loo furo isu socodka labada bulsho ee iskaga gudbaya xudduuda ay wadaagaan labada dal, oo wakhtigaas uu madaxweynuhu la hadlayey dadweynaha soo dhaweynayey si rasmi ah loo furay.

Madaxweyne Biixi waxa uu warbixin ka dhageystay masuuliyiinta wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka iyo hay’adda waddooyinka ee Somaliland oo gacanta ku haya waddada isku xidhi doonta Boorama iyo Lawyo-caddo, oo uu kula dardaarmay in ay ku dhakhsadaan dhameystirka waddadaas.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa safarkooda shaqo ku soo mari doona gobollada galbeedka Somaliland, iyaga oo u kuurgali doona xaalada guud ee ay ku sugan yihiin dadka iyo duunyaduba, kulamo kala duwanna la yeelan doona mas’uuliyiinta deegaannadaas ay safarka ku marayaan.

Xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Djibouti ayaa xidhnaa ilaa bishii March ee sannadkan 2020, kaddib markii uu isu-socodka labada waddan uu saamayn ku yeeshay caabuqa Coronavirus. Amarka lagu xidhay xuduudka labada waddan oo ka yimi dhinaca dowladda Jabuuti, ayaa ka dhashay kaddib markii sida la sheegay caabuqa Coronavirus laga helay tobannaan qof oo ka tagay dhinaca Somaliland.

 

Somalilandpost.net

contacT@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories