HomeMadaxweyne Muuse Biixi oo furay Madaarka Diyaaradaha Berbera oo La Casriyeeyey +...

Madaxweyne Muuse Biixi oo furay Madaarka Diyaaradaha Berbera oo La Casriyeeyey + SAWIRRO

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u furay Madaarka caalamiga ah ee Berbera International Airport oo ka mid ah madaarrada ugu dhabbada dheer qaaradda Afrika, kaas oo casriyeyn iyo dib-u-habayn ballaadhan lagu sameeyey.

Madaxweynaha oo muddo laba maalmood ah safar shaqo ku jooga xarunta gobolka Saaxil ee Berbera, waxa uu kormeer kooban oo uu ku sameeyey dhabbada ay diyaaraduhu ka haadaan ee Berbera kaddib, si rasmi ah u furay madaarka Berbera International Airport oo loo qaabeeyey hannaankii ugu casrisanaa ee loo bineeyo madaarrada adduunka, waxaana isla maanta si rasmi ah u bilaabmay duullimaadyadii diyaaradaha ee madaarka.

blank
Madaxweyne Muuse Biixi oo Furay Garoonka Diyaaradaha Berbera (2)

Munaasibad ballaadhan oo lagu daah-furay madaarka Caalamiga ah ee Berbera International Airport oo lagu qabtay gudaha madaarka, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno kamid ah shirguddoonka golaha wakiillada, saraakiil sar sare oo ka socday dalka Imaaraadka Carabta oo isagu gacanta ugu weyn ka qaatay maalgelinta madaarka, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda hay’adda Duulista iyo madaarrada Somaliland, safiirro, diblomaasiyiin, wefti ka socday shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airline iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu baarigayo qiimaha madaarka cusub ee Berbera, muhiimadda uu qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaanba geeska Afrika u leeyahay.

Ugu horrayn maareeyaha Hay’adda duulista iyo madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cumar Sayid Cabdilaahi Aadan oo munaasibadda ka hadlay, ayaa sharraxay dedaalkii ay xukuumaddu gelisay inuu madaarka Berbera dhammaado, islamarkaana ay diyaarado caalami ahi duulimaadyo si rasmi ah uga samayn doonaan.

Maareeye Cumar-sayid oo ka hadlay hannaanka cusub ee madaarka loo casriyeeyey loogana dhigo mid dunida la jaanqaadayo, ayaa sheegay in gebi ahaanba la beddelay dhabbadii hore ee diyaaradaha oo dhererkeedu ka badnaa 4KM (Afar Kiiloomitir), iyada oo la sameeyey guluubada waaweyn ee habeenkii suurogelinaya inuu madaarku shaqeeyo, lagu soo wareejiyey xayndaab ku fadhiya 30km oo isku weeran, islamarkaana la dhisay Teerminnaallo casri ah oo ku qalabaysan agabkii ugu dambeeyey ee madaarrada dunida lagaga shaqeeyo.

blank
Madaxweyne Muuse Biixi oo Furay Garoonka Diyaaradaha Berbera (2)

Xubno ku hadlayey magaca dawladda Imaaraadka Carabta oo uu kamid yahay safiirka dawladda Imaaraadka u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland, Ambassador Abdullah Alnaqbi, waxana ay ku bogaadiyeen horumarka ay qaybta weyn ka qaateen ee ka hirgalay madaarka Berbera, waxana ay si cad u sheegeen inay dawlad ahaan u hagar baxeen madaarka, kana dhigeen mid la jaanqaadaya dhiggiisa kale ee dunida.

Wasiirka wasaarada Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka, Mudane Cabdirisaaq Maxamed Ibraahim (Ataash) oo munaasibadda ka hadlay, ayaa dhismaha madaarka ku tilmaamay guul weyn ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsatay, waxana uu xusay in qaranka Somaliland gaadhay heer dunidu kusoo hirato oo maalgashi ku samayso, islamarkaana uu madaarkani ibo furi doono jid cusub oo dhaqaale iyo is-dhexgal bulsho ah.

blank
Madaxweyne Muuse Biixi oo Furay Garoonka Diyaaradaha Berbera (2)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa kusoo Afmeeray, ayaa ugu horrayn si mug leh ugu mahadnaqay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxana uu sheegay inay Somaliland is barbar taageen maalin adag, shacabka reer Somaliland-na ay abaal badan u hayaan, maaddaama oo ay ku dhiirradeen inay maalgelin hagar la’aan ah u huraan dhulka Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu farriin u diray shacabka Somaliland oo UU usoo jeediyey inay u diyaargaroobaan sidii ay usoo jiidan lahaayeen bulshada caalamka iyo midda geeska Afrika ku dhaqanba, maaddaama oo maanta si weyn loo casriyeeyey madaarka Berbera iyo dekeddaba, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Maanta waxaynu joognaa garoon caalami ah oo garoomada adduunka weyn kamid ah oo ay walaalladeen Imaaraadka carabtu inoo maalgeliyeen, innagana waxa la inaga rabaa inaynu u diyaargarownno sidii ummadda caalamka oo dhammi halkan usoo mari lahaayeen, mar haddii uu garoonkii ugu weynaa yahayna waxaynnu u baahannahay inaynnu caalamka intiisa kalena soo jiidanno.”

Madaxweynuhu waxa uu bulshada ku dhaqan magaalada Berbera iyo guud ahaanba gobolka Saaxil ku hambalyeeyey go’aannada geesinnimada leh ee ay ku taageereen maalgelinta iyo dib-u-dhiska magaalada, waxana uu ku tilmaamay bulsho ku caanbaxday maskax-furnaan iyo taageero ay u muujiyaan wax kasta oo dalkooda usoo kordha.

Ugu dambayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubnihii weftiga ahaa ee uu hoggaaminayey waxa ay diyaarad kasoo raaceen garoonka caalamiga ah ee Berbera International Aiport, iyaga oo si nabadgelyo ah kusoo gaadhay caasimadda Hargeysa, waxana maanta laga bilaabo si rasmi ah u bilaabmaya duulimaadyada kala duwan ee ka degaya garoonka Berbera iyo kuwa kusoo degayaba.

Mashruuca ballaadhinta iyo casriyeynta ah ee lagu sameeyey madaarka Berbera oo socday sannadihii u dambeeyey, waxa maalgeliyey dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Shirkadda DP World oo laga leeyahay Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa maalgeshi ka badan $400Milyan ku sameeyey Dekedda Berbera oo xilligan ka mid ah dekedaha ugu waaweyn ee mandaqadda Bariga Afrika.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories