HomeMadaxweyne Muuse Biixi oo Daah-furay Wejiga 2aad ee Mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo Daah-furay Wejiga 2aad ee Mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay wejiga labaad ee mashaariicda Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF (Somaliland Development Fund).

Munaasibadda uu madaxweynuhu ku daah-furay wejiga labaad ee mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) oo ay gadh-wadeen ka tahay wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta qaranka Somaliland, ayaa waxa kala qaybgalay Xubno kamid ah golaha wasiirrada, madax ka socotay dalalka Somaliland ka taageera Sanduuqan oo kala ah Denmark, Holland iyo Ingiriiska, agaasimeyaal iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxaana laga jeediyey hadallo diirrada lagu saaray muhiimadda ay mashaariicda wejigan labaad ku jiraa qaranka u leeyihiin iyo sida ay xukuumaddu daacadda uga tahay inay si hufan u hirgalaan.

blankUgu horrayn Ku-xigeenka madaxa Horumarinta Somaliland ee Sanduuqa horumarinta Somaliland Mudane, Najax Maxamuud Aadan, ayaa sharraxaad ka bixiyey meelaha uu diiradda saarayo wejiga labaad ee mashruucani, waxana uu tilmaamay kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo kor u qaadista adeegyada dawladdu halbowle u yihiin wejiga labaad ee mashaariicda horumarinta Somaliland.

blankMudane Najax waxa uu sidoo kale xusay in dhismaha marsada Maydh, dhismaha iyo dayac-tirka waddooyinka muhiimka ah, koru-qaadidda adeegga biyaha, kobcinta wax soo saarka Xoolaha iyo Beeraha, kobcinta tayada shaqaalaha dawladda, iyada oo la dhammaystiri doono mashaariicdii caafimaadka iyo waxbarashada ee wejigii koowaad ee mashruuca Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF ay laf-dhabar u yihiin wejiga labaad ee mashruucan.

Morgan Ralley oo ku hadlayey magaca Saaxiibadda Somaliland ee qaybta ka ah Sanduuqa, ayaa isaguna dhinaciisa ku dheeraaday muhiimadda mashaariicdani u leeyihiin bulshada Somaliland iyo sida ay dawladaha lacagaha ugu deeqa sanduuqani ula dhacsan yihiiin nidaamka daaha-furan ee ay dawladda Somaliland u maamusho.

blank

Wasiirka wasaaradda Qorshaynta qaranka iyo Horumarinta, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo isagu hormuud u ah qorshaynta iyo jaangoynta mashaariicda, ayaa ugu horrayn ammaanay nidaamkii ay ku dhammaadeen wejigii koowaad ee mashaariicda sanduuqa Horumarinta Somaliland iyo guulaha ay mashaariicdaasi u horseedeen qaybihii kala duwanaa ee laga maalgeliyey, isaga oo hoosta ka xarriiqay in wejiga labaadna ay ku rejo weyn yihiin inay guulaysan doonaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo si rasmi ah u daah-furay wejiga labaad ee mashruuca sanduuqa horumarinta Somaliland, ayaa dawladaha Somaliland ka taageera dhinaca horumarka ee sida tooska ah sanduuqan lacagta ugu shuba ee kala ah Ingiriiska, Denmark iyo Dawladda Netherland, kuwaas Somaliland ku taageeray sidii ay dhaqaale ugu heli lahayd fulinta mashaariicda horumarineed ee Qaranka.

Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey inay Somaliland ka go’an tahay in mashaariicda kala duwan ee dunidu ku taageertaa u socdaa hannaan daah-furan oo cid waliba arkayso nidaamka ay hawluhu socdaan oo aanu marnaba imannin wax shaki ahi, “Waxa dawlad ahaan naga go’an in mashaariicda horumarineed ee Somaliland lagu taageerayaa ay dhammantood maraan waddadii loogu talo galay oo aanay xagga Somaliland ka imannin wax dhaliil ahi, haddii ay dhaqaalaha tahay iyo haddii ay maamulka tahayba. Waxa kale oo naga go’an inaannu waddamada na taageera iyo dawladaha na taageera u caddaynaynaa inaanu doonayno inay wada-shaqaynteennu noqoto mid daah-furan oo labada dhinacba arki karaan sida ay hawshaasi u socoto maamul ahaan iyo dhaqaale ahaanba,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu ugu baaqay dawladaha Saaxiibka la ah Somaliland inay taageeradooda dhaqaale soo mariyaan Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF, maadaama oo uu yahay nidaam la tijaabiyay oo guulaystay.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories