HomeMadaxweyne Muuse Biixi Oo Culimada Somaliland ku cannaantay Masuuliyad ay ka Gaabiyeen

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Culimada Somaliland ku cannaantay Masuuliyad ay ka Gaabiyeen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabd, Oo Caawa kulan casho iyo Afur ah u sameeyey culimaa’udiinka, ayaa ugu baaqay inay doorkooda ka qaataan difaaca Qaranka iyo jawaabista hadallada kaga yimaadda culimada Soomaaliya.

Munaasibadda cashada iyo afurka isugu jirtay ee uu madaxweynaha qaranku u sameeyey culimada waaweyn ee dalka, waxa kala qaybgalay  madaxweyne-ku-xigeenka, xubno kamid ah golaha wasiiradda, xildhibaanno, siyaasiyiin, badiba culimada waaweyn ee dalka iyo marti-sharaf kale, ayaa laga jeediyey hadallo la xidhiidha kaalinta muhiimka ah ee culimadu ku leedahay horumarinta dalka iyo isdhexgalka bulshada.

Ugu horrayn waxa madasha hadallo dardaaran iyo waano isugu jira ka jeediyey sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar, waxana uu bulshada kula dardaarmay inay isku tashadaan, ku dhaqanka Diinta ku adkaadaan, dawladnimada iyo waxa ay umadda heshiiska ku tahayna la wada ilaashado.

Qaar kamid ah culimada iyo aqoonyahanka dalka oo ay kamid yihiin Cabdirashiid Maxamed Baaxeer, Sheekh Almis Xaaji Yaxye, Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Yaasiin iyo Sheekh Cabdilaahi Cabdi Cali (Makaawi), ayaa si isku mid ah ugu dheeraaday kaalinta culimada iyo waajibka ka saaran dhismaha dalkooda iyo kobcinta waxyiga ummadda, waxana ay madaxweynaha uga mahadnaqeen kulanka ballaadhan ee uu culimada dalka u qabtay.

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa isaguna dhinaciisa madaxweynaha qaranka uga  mahadnaqay muhiimadda uu siinayo inuu la kulmo culimada waaweyn ee dalka, talooyinkooda iyo aragtiyahoodana dhegaysto, isaga oo culimadana ugu baaqay inay talooyinkooda bud-dhig uga dhigaan ilaalinta dawladnimada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyey culimada kala duwan ee kulanka kasoo qaybgashay, waxana uu  uga mahadnaqay sidii ay ugu dhabar adaygeen duruufihii qallafsanaa iyo dalka iyo dadkuba soo mareen iyo sidii ay ugu soo adkaysteen waqtiyadii adkaa ee ay cilmiga faafintiisa kusoo bixiyeen, waxana uu caddeeyey inay ka dawlad ahaan qaadanayaan waanooyinka iyo wax sheegga culimada.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu culimada dalka ugu baaqay inay difaaca dalkooda ku dhiirradaan, kuna dhiirradaan jawaab ka bixinta wax kasta oo deelqaaf iyo qadaf ku ah qarannimada dalka, waxana uu yidhi,“Culimadu hoosta uun bay ka duceeyaan ee culimada kale ee dalka farogelinaysa uma jawaabaane, taas halla ogaado oo culimadu qaybtooda dalka haka qaataan marka ay culimada kale soo farogelinayso.”

Kulanka madaxweynaha iyo culimada dalka, ayaa ah mid sannadkiiba hal qabsooma, waxana la isku weydaarsadaa talooyin iyo waanooyin kala duwan oo dalka iyo dadkaba muhiim u ah.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories