HomeMadaxweyne Muuse Biixi oo Canaan u jeediyey Maamulka Dowladda Hoose ee Hargeysa

Madaxweyne Muuse Biixi oo Canaan u jeediyey Maamulka Dowladda Hoose ee Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

“Waxa laygu maagaa Dowladda Hoose saaxiib baa tihiin oo sawir weyn baad ku wada jirtaan, dadkuna way ka cabanayaan, dee labadaas isku heli maysaan, haddaydaan magaalada wax ka qabanayn,” – Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maamulka Golaha Deegaanka ee Hargeysa ku cannaantay wax-ka-qabasho la’aanta cabashooyin la xidhiidha Hawlaha Dowladda Hoose oo inta badan ka soo yeedha dadweynaha ku dhaqan caasimadda.

Madaxweyne Biixi oo maanta hadal ka jeediyey munaasibad uu ku dhagax-dhigay dhismaha Xarunta Keydka Taariikhda Qaranka oo laga hirgelinayo Kheyriyadii hore ee Hargeysa, isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen maayarka iyo maayar-ku-xigeenka Caasimadda, waxa uu sheegay in isagoo madaxweynihii Qaranka ah lagu tuhunsan yahay inuu Maamulka dowladda Hoose kaga raalli yahay sida ay u shaqeeyeen, shacabkiina wax-qabad la’aan kaga cabanayo, sidaas awgeed aanay suurto-gal ahayn inay isku helaan labadaas qodob, balse looga baahan yahay dedaal dheeraad ah iyo Wax-ka-qabashada cabashada Shacabka.

blank“Dowladda Hoose ee joogtana waxaan doonayaa inaan halkan ka faro; dedaal badan baa laydinka baahan yahay. Waxa laygu maagaa Dowladda Hoose saaxiib baa tihiin oo sawir weyn baad ku wada jirtaan, dadkuna way ka cabanayaan, dee labadaas isku heli maysaan, haddaydaan magaalada wax ka qabanayn,” Sidaas ayuu yidhi madaxweynaha oo hadalkan ka jeediyey Madal goob-joog ay ku ahaayeen Maayarka iyo Maayar ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo Cabdicasiis Caga-weyne.

Dhinaca kale, Madaxweynuhu waxa uu shaaciyey in la beddeli doono magacyada loo bixiyey Jidadka magaalooyinka waaweyn ee dalka, isla markaana guddi heer qaran ah loo saari doono jaan-goyntooda si loo xuso shaqsiyaadka magaca iyo maamuuska taariikheed ku leh dalka.

“Qolooyinka dowladaha hoose ee magaalooyinka dhammaantood waxaan farayaa, magacyada waddooyinka iyo meelaha taariikhiga ha si qaran baa loo bixinayaa, guddi baa loo saarayaa. Maaha in kolba maayarka yar ee joogaa magacuu doono u bixiyo, waa in la qiimeeyaa dadka loo bixinayo oo si qaran loo eego waddooyinka magaalo kasta,” sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi oo loo Ka hadlayey munaasibad uu maanta ku dhagax-dhigay Xarunta Keydka Taariikhda Qaranka oo badhtamaha Hargeysa laga dhisayo.

 

Somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories