HomeMadaxweyne Muuse Biixi oo Cafis u fidiyey 546 Maxbuus oo Siyaasiyiin iyo...

Madaxweyne Muuse Biixi oo Cafis u fidiyey 546 Maxbuus oo Siyaasiyiin iyo Suxufiyiin Ku jiraan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa munaasibadda Ciidul-Adxaha awgeed cafis ugu fidiyey 546 Maxbuus oo ku jira xabsiyada dalka.

Wareegto madaxweyne oo sumaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-900/072022 ayuu madaxweynaha Somaliland cafis ugu fidiyey maxaabiista dambiyada fudud ku xukuman ee jira xabsiyada dalka laga bilaabo taariikhda maanta.

Madaxweynuhu waxa uu wareegtada ku sheegay inaanu Cafiskani saamayn ku lahayn xuquuqda Madaniga ah iyo Raadka ciqaabeed ee ka dhalan kara dembiyada ay ku xukunnaayeen, iyadoo amarka cafiska madaxweynaha uu fulinayo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

In kasta oo wareegtada madaxweynaha oo lagu faafiyey war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada aanay ku lifaaqnayn liiska magacyada maxaabiista la cafiyey oo loo gudbiyey xeer-ilaalinta Guud, haddana waxa xusid mudan in Salaasadii toddobaadkan xabsiga laga sii daayey xubno siyaasiyiin ah oo ka tirsan xisbiyada Mucaaradka oo xorriyadooda dib u helay kaddib muddo Afar toddobaad ah oo ay xidhnaayeen.

Sidoo kale, waxa Isniintii toddobaadkan xoriyaddooda dib u helay laba suxufi oo maxkamadda gobolka Hargeysa ku xukuntay xadhig sannad iyo badh ah kaddib markii lagu eedeeyey inay ku kaceen muuqaallo amniga waxyeello u geysanaya ka faafiyeen dhacdo laba bilood ka hor ka dhacday xabsiga Dhexe ee Hargeysa, taas oo sababtay inay gadood sameeyaan qaar ka mid ah maxaabiista ku jira.

Labada Suxufi oo ka kala tirsan telefishannada MMSomali Tv iyo Horn Cable tv, ayaa Xabsiga ku jiray muddo 80 maalmood ah.

Sii-deynta siyaasiyiinta Xisbiyada Mucaaradka ayaa la rumaysan yahay inay qayb ka ahayd bilowga dhex-dhexaadin iyo waan-waan ay guddi is-xil-qaantay ka dhex-bilaabeen xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka ah oo isku khilaafsan arrimaha Doorashooyinka.

Haseyeeshee, lama oga in liiska maxaabiista uu madaxweynaha Somaliland cafiska u fidiyey ay ku jiraan siyaasiyiinta iyo suxufiyiinta xorriyadooda dib u helay oo lagu sii daayey cafis madaxweyne.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories