HomeMadaxweyne Muuse Biixi Oo Caawa Gaadhay Qoys Roobkii Galabtu Gaadhsiiyey Khasaare Naf...

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Caawa Gaadhay Qoys Roobkii Galabtu Gaadhsiiyey Khasaare Naf Iyo Maalba Leh

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu gaadhay xaafadda qudhac-dheer oo uu ka dhacay qadar Alle, kaas oo ay sababeen roobabkii galabta ka da’ayey dalka gaar ahaan kuwii caasimada Hargeysa, oo daadadkii ka soo rogmaday ay caawa qaadeen hooyo iyo laba caruurta oo ay dhashay.

IMG_0001Hooyadan daadku qaaday ayaa xambaarsanayd wiil yar, sidoo kalena ay wehelinaysay gabadh yar oo ay dhashay, kuwaas gebi ahaanba daadku la tegay, markii uu daadku soo gaadhay guri jiingad ahaa oo ay laba maalmood ka hor uun kiraysteen kuna dhexyaalay dooxa, waxaana la soo helay hooyadii oo hada koomo ku jirta iyo gabadhii yarayd oo mayd ah, halka wiilkii yaraa ee hooyadu dhabarka ku sidayna la raadinayo.

Madaxweynuhu markii uu gaadhay goobtaasi waxa uu la kulmay aabaha qoyskaasi oo lagu magacaabo Axmed Qorane oo ay hadaladiisii ka mid ahaayeen “markay telefoonka igu soo dhufatay ee ay alla hoogayey tidhi een soo cararay ee aan meel alle meel aan u maro waayey ee dooxii iga dheeraaday ayaan anna dib isaga noqday, ka dib sandaqadii ayuu laba u kala gooyeen bixiyihii dooxu, wax dhacday in xitaa ummaddii badbaadin kari wayday caruurtii” goobtaasi oo ay soo degeen laba maalmood ka hor uun ayuu sheegay aabbo Axmed Qorane in laga kireeyey waxaana meesha keenay aqoon la’aan ayuu yidhi isagoo madaxweynaha u sharxaya sida ay wax u dhaceen.

IMG_9032Aabbo Axmed Qorane oo hadalka sii wada ayaa yidhi “Inan maydkiisa lama hayo, hooyadii iyo isaga inta uu wada qaatay daadkii ayuu xanjeerkii ay ku xidhnayd ee ay ku xambaarsanayd ka furteen biyihii, iyadiina koomay ku jirtaa oo waa la helay, innana imikaa maydkeedii ayaa la helay, meeshuna waa halkaa dooxa badhtankiisa”.

IMG_9021Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa tacsi u diray qoyskaa qadarka alle la kulmay, una duceeyey hooyada koomada ku jirta, amrayna in gurmad qaran laga galo wiilka maqan sidii loo soo heli lahaa raq iyo ruuxba, waxaanu yidhi madaxweynuhu “wixii qadar ilaahay keeno waa qadar ilaahay uun, ka maqan geeri iyo nolol gurmad waynu wada geli, wixii dhibaato iyo masiibo dhacdayna waa lagula wadaagi oo qarankaagiibaa kula jooga, markuu gurmadku wada yimaado calool adayg uunbaa loo baahan yahay iyo Samir, iyo tallo danbe oo wixii noocan oo kale ahna qaran ahaan looga wada tashado haddii alle yidhaahdo, waan kaa tacsiyadaynayaa ka dhintay, ka maqana waanu kula gurmanaynaa, masiibadana waanu kula qaybsanaynaa, dad badan ayey caawa dhibaato gaadhay waana ka wada hawl-gelaynaa, ilaahayna waxa aan kaaga baryeynaa in ka dhintayna halkiisa cawil khayr qaba ku geliyo, gabadhana Alle ha caafiyo, adigana Alle ha kaa Samirsiiyo oo qalbiga ha ku adkeeyo, samirkana badi dhamaanteenba waynu wada xukumanahay ”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories