HomeMadaxweyne Muuse Biixi Oo Booqday Xarun Lagu Dabiibo Carruurta Wadnuhu Daloolo iyo...

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Booqday Xarun Lagu Dabiibo Carruurta Wadnuhu Daloolo iyo Jewigii uu kala kulmay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xalay booqday cusbitaalka gargaar gaar ahaan xarun lagu dabiibo, islamarkaana qalliinno loogu sameeyo carruurta yar yar ee soo dhasha iyaga oo wadnuhu daloolo oo Kharashka ku baxaya laga bixiyey qasnadda qaranka.

blankMadaxweynuhu waxa uu farxadda iyo rayn-reynta la qaatay carruurta iyo waalidiinta dhashay ubadka ku dhashay iyaga oo wadnuhu daloolo oo daaweyn guulaysatay oo aanay lacagi kaga bixin loogu fuliyey dalka gudihiisa, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqatay farxadda caafimaadku.

Qaar kamid ah dhakhaatiirta gacanta ku haya daaweynta loo sameeyey ubadka yar yar ee wadnuhu daloolay oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday dedaalka ay u galeen carruurta yar yar iyo dhibaatadii ay hore u soo mareen, waxana ay ballan qaadeen inay sii wadi doonaan caawinta ubadka yar yar, iyaga oo madaxweynahana ku ammaanay sida uu ugu dhiirraday inuu bixiyo kharashka lagu daboolay baahida caafimaad ee ubadkaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhakhaatiirta uga mahadceliyey kaalinta ay ka qaateen daaweynta ubadkaas yaryar, waxana uu caddeeyey inuu carruurtaas kharashkii lagu daaweeyey ka bixiyey qasnadda qaranka, waxana uu yidhi, “Kharashku waa kharashkii qaranka, xaq baynna ku leeyihiin, ninka masuulka ahina wixii qaranku hayaa, wax Hooyaday iyo Aabahay iiga tageen oo anigu aan leeyahay oo gaar ah maan bixine waa xoolihii qaranka, iyagaana ugu mudan oo qofka bukaanka ahina qaranka wixiisa wax buu ku leeyahay.”

Carruurta soo dhalata iyaga oo wadnuhu daloolo, ayaan haatan ka hore dalka gudihiisa waxba lagaga qaban jirin, islamarkaana intii kharash hesha oo kali ahi ay dalka dibaddiisa qaban jirtey, balse madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa go’aansaday inuu isagu bixiyo kharashkaas, dalka gudihiisana la keeno agabka iyo dhakhaastiirta loo baahan yahay si ubadkaas dalka wax loogu qabto.

Ugu dambayntii, waxa uu madaxweynuhu cusbitaalka International ee magaalada Hargeysa ku booqday Oday Maxamed Diiriye oo ah Aabaha dhalay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo xaalad caafimaad u jiifa halkaasi.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories