HomeMadaxweyne Muuse Biixi oo Billad Guddoonsiiyey Ciyaaryahan ka baaqday Guushii Xulka Daadmadheedh

Madaxweyne Muuse Biixi oo Billad Guddoonsiiyey Ciyaaryahan ka baaqday Guushii Xulka Daadmadheedh

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta billad uu ka baaqday guddoonsiiyey Ciyaaryahan Cabdicasiis Aadan Cumar oo ka mid ahaa Xulka Gobolka Daadmadheedh oo dabayaaqadii sannadkii hore ku guulaystay tartanka kubadda cagta ee gobollada Somaliland.

Ciyaaryahan Cabdicasiis ayaa farxaddii dabbaal-degga guusha xulkooda uga maqnaa Dhaawac lugta ka soo gaadhay intii lagu gudo-jiray tartankii Ciyaaraha kubadda Cagta ee gobollada dalka.

blankWar-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxweynaha ayaa lagu faahfaahiyey munaasibad kooban oo loo sameeyey billadda la guddoonsiiyey ciyaartoyga.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta qasriga madaxtooyada Somaliland ku gudoonsiiyey billadii uu xaqa u lahaa Ciyaaryahan Cabdicasiis Aadan Cumar oo ku magac dheer (Gacan) kana mid ahaa xulkii gobolka Daadmadheedh ee 16-11-2020 ku guulaystay koobkii gobolada Jamhuuriyadda Somaliland ee Kubadda Cagta oo uu maalintaasi kaga maqnaa ciyaartii kama danbaysta ahayd dhaawac culus oo ka soo gaadhay lugta midig oo uu ka jabay.

blankMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ka duulaya dhiirigelinta da’ayarta dalka, kana jawaabaya codsi uu hore madaxweynaha warbaahinta u soo mariyey ciyaaryahan Cabdicasiis Aadan waxa uu maanta madaxweynuhu gudoonsiiyey laba abaalmarinood oo kala ah ciyaartoygii ugu fiicnaa ciyaaryahanadii xulka gobolka Daadmadheedh oo loo doortay isaga, iyo Billad sharaftii ciyaaryahanadii isugu soo hadhay kama danbaysata koobka Gobolada Somaliland oo madaxweynuhu maanta qoorta u sudhay ciyaaryahanka sidoo kalena uu u saxeexay garanka uu u xidho xulkiisa gobolka Daad-madheedh.

Madaxweynaha waxa kulankaasi ku wehelinayey wasiirrada wasaaraddaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland, Mudane Boos Mire Maxamed, Tamarta iyo Macdanta, Mudane Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbul xaakimka kulmiye, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale).” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories