HomeMadaxweyne Muuse Biixi oo Baaq u diray Maamulka iyo Mucaaradka Soomaaliya

Madaxweyne Muuse Biixi oo Baaq u diray Maamulka iyo Mucaaradka Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa  mar kale ka hadlay doorashada Baarlamaanka ee la filayo inay bisha dambe ka qabsoonto magaalada Muqdisho ee Soomaaliya.

Madaxweyne Muuse Biixi oo maanta hadal ka jeediyey munaasibad uu xadhigga kaga jaray dhisme cusub oo loo hirgeliyey hay’adda Dhowrista tayada, waxa uu gef iyo deelqaaf ku tilmaamay in madaxda iyo mucaaridka Muqdisho isku raacsan yihiin inay yidhaahdaan waxa magaalada Muqdisho lagu dooranayaa shaqsiyaad dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland.

“Midowga mucaaridka ah ee muqdisho jooga iyo madaxweynahooda iyo gobolladooda mid baan u dirayaa, haddii aynnu soomaali nahay, derisna nahay, dadna aynu isugu xigno danteennaa is diiday oo laba dawladood inaga dhigtaye col ma nihine, mid baan meesha qabanin, markaad dhammaantiin isku raacsan tihiin Baarlamaanka Somaliland kasoo jeedaa Xamar laga dhex dooranayaa, markaad eregayaas leedihiin miisaanka uu leeyahay iyo meel-ka-dhaca uu leeyahay waad garanaysaane maxaad Somaliland ugu quudhaysaan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in dhaqsiyaadka Somaliland kasoo jeeda ee Xamar dhex joogaa kaliya halkaas u joogaan inay kasoo shaqaystaan, xoolahooda iyo maalka ay soo helaanna ay Somaliland kula soo noqdaan.

“Halkanba Jaaliyad reer Soomaaliya ahi way joogtaa, laakiin arrimaha siyaasadda Somaliland masoo galaan, sababta aad qaranka Somaliland oo aad ogtihiin inaynu soddon sano kala maqnayn, kuwa tegeyna ee shaqo-tegeyna waxa ay lamid yihiin jaaliyadda Kiiniya joogta, ta Addis Ababa joogta, ta Jabuuti joogta iyo ta London joogta, haddii ay ka shaqaysanayaanna dalkooda uun bay usoo shaqaysanayaan, kuwaada ugu waaweyn ee ugu shaqada badanina, iyaga oo halkaas (Muqdisho) jooga oo Baarlamaan iyo wasiir baannu nahay leh bay halkanna (Somaliland) daaraha kasoo dhistaan.”

Madaxweynuhu waxa uu farriin gaar ah u diray shaqsiyaadka Xamar kaga qudhaabta magaca Somaliland, isaga oo u caddeeyey inaanay halkaas cidna ku metelin, “Waxa idinka sii liita dadka waaweyn ee Somaliland ee halkaas dani ka gashay ee u shaqo tegay waxay doonaanba ha noqdaane ee wax ku doonaya Xamar hallanaga doorto Baarlamaan baannu noqonaynaaye, arrintaasna waxan leeyahay ma geynee xumaan iyo nac uun baad sii abuuraysaan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Somalilandpost.net

editor@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories