HomeMadaxweyne Muuse Biixi iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi oo Muddo kaddib Kulmay iyo...

Madaxweyne Muuse Biixi iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi oo Muddo kaddib Kulmay iyo Dareennada ka Dhashay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa markii u horreysay muddo kaddib isasoo hor-fadiistay gelinkii dambe ee maanta oo kulan ku dhexmaray Guriga Madaxweynha.

blankKulanka maanta ayaa daba-socda kulan habeenkii xalay magaalada Hargeysa ku dhexmaray madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo siyaasiin ka soo jeeda Beesha Bariga Burco oo ay ka mid yihiin wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi.

Kulanka Madaxweynaha iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi ayaa ku soo beegmay toddobaaddo kaddib markii madaxweynuhu magacaabay guddiga diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda oo furistooda loo muddeeyey bisha shanaad ee sannadkan, waxaana suurto-gal ah in arrintaasi tahay sababta soo dedejisay Isu-soo-dhaweynta madaxweynaha iyo siyaasi Maxamuud Xaashi, hasyeeshee waxa aan la ogayn in ay ku heshiin doonaan in Maxamuud Xaashi dib ugu noqonayo Xisbiga Kulmiye hoggaankiisa iyo in uu furto urur-siyaasadeed uu u madax-bannaan yahay hoggaamintiisa.

blankSiyaasiyiin Maxamuud Xaashi oo Saaxiib dhow ay ahaayeen madaxweyne Biixi isla markaana si weyn uga qayb-qaatay doorashadii madaxtooyada ee sannadkii 2017 lagu doortay madaxweye Muuse Biixi Cabdi, ayaa laga saaray Xisbiga Kulmiye bishii October 2021-kii kaddib markii sida lagu eedeeyey uu siyaasigani u ololeeyey xisbiyada Mucaaradka doorashadii goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ee isla sannadkaas oo la sheego inuu qayb laxaad leh ku lahaa guul-darradii xisbiga Kulmiye ka soo gaadhay doorashadaas.

Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa hore u shaaciyey inuu u tartamayo hoggaanka Xisbiga Kulmiye madaxweyne Muuse Biixi dabadii, taas oo dadka siyaasadda ku xeel-dheeri ku sababeeyeen inay tahay sababtii uu taageerada iyo halganka kursiga ula galay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Haseyeeshee, waxa mar kaliya soo if-baxday inuu madaxweyne Muuse Biixi hoggaanka xisbiga la rabo saaxiibkii Maxamed Kaahin, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Arrintaasi waxa ay sababtay in Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi ku gacan-saydho inuu ka qayb-galo shirweynihii 4aad ee xisbiga Kulmiye ee Bishii October sannadkii 2020-kii ku qabsoomay Hargeysa, kaas oo hoggaanka Xisbiga mar kale loogu doortay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiye ku-xigeenka 1aad loo doortay.

Maxamuud Xaashi ayaa sababta uu shirweynaha uga qayb-gali waayey ku sababeeyey inuu u af-duuban yahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo Siyaasigu tiraba dhowr jeer oo uu shir-jaraa’id qabtay eedaymo kala duwan u jeediyey.

Siyaasigan ayaa dhoola-tus saamayntiisa la dareemay ku soo bandhigay Doorashadii goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee badhtamaha sannadkii hore ka qabsoontay dalka, waxaanu qaaday tallaabooyin guulo wax-ku-ool ah u horseeday xisbiyada Mucaaradka, kaddib markii uu labada xisbi ee UCID iyo Waddani ka sharraxay xildhibaanadii ka soo jeeday Deegaankiisa iyo Kuwii ay isku-afkaarta ahaayeen oo ku soo baxay Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha deegaanka.

Si kastaba ha ahaatee, kaadiriinta iyo Bahweynta Xisbiga Kulmiye, ayaa u arkaa in kulanka Madaxweynaha iyo Siyaasigani yahay guul u soo hoyatay oo wax badan ka taraysa tartannnada iyo loollanka xisbiyada ee Siyaasadda dalka.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi waxa kulanka ku wehelinayey siyaasiyiin ka soo jeeda beesha Bariga Burco, balse Lama oga arrimaha ay ka wada-hadleen in kasta oo ujeeddada ujeeddada kulanka oo hor u dhac u ah kulamo dambe lagu sheegay mid ay isku laab xaadhanayeen labada siyaasi oo ah saaxiibbo ku kala tagay damaca siyaasiga ah ee hoggaaminta xisbiga Kulmiye.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories