HomeMadaxweyne Muuse Biixi iyo Madaxweynaha DDSI oo Kulan ku yeeshay Gudaha Somaliland...

Madaxweyne Muuse Biixi iyo Madaxweynaha DDSI oo Kulan ku yeeshay Gudaha Somaliland iyo Nuxurka Arrimo laga wada-hadlay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Tog-wajaale (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Mustafe Maxamuud Cumar iyo wefti uu hoggaaminayo.

Kulankan oo ka qabsoomay magaaladda xuduudda labada dal ku taalla ee Tog-wajaale, ayuu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ku qaabilay madaxweynaha  dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Mustafe Maxamuud Cagjar iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminay,  waxaana uu  u gelbiyey dhinaca Waqooyi ee magaalada Wajaale ee gudaha Somaliland, iyada oo kumannaan kamid ah shacabka reer Tog-wajaale ay caleemo qoyan kusoo dhaweeyeen weftiga labada madaxweyne ee magaaladaas kulankoodii ugu horreeyey ku yeeshay.

muuse biixi mustafe cagjarKulankan oo ujeeddadiisu ahayd sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana loo dardargelin lahaa iskaashiga  dhinaca amniga, ganacsiga iyo isu socodka leh, ayaa muddo saacado ah qaatay, waxana markii uu soo dhammaaday saxaafadda uga warbixiyey Wasiirka Warfaafinta dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Guuleed Aw Cali Kaahin iyo Afhayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, waxana ay si isku mid ah u caddeeyeen inay labada madaxweyne si hufan uga munaaqashoodeen arrimo door ah oo la xidhiidha danaha guud ahaan ka dhexeeya dalalka Somaliland iyo Itoobiya, gaar ahaan xidhiidhka  qotoda dheer ee u dhexeeya Somaliland iyo Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya.

blankUgu horrayn afhayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo waxyaabihii ay labada madaxweyne kulanka kaga hadleen sharraxaad dheeraad ah ka bixiyey, ayaa tilmaamay in kulankaas si gaar ah diiradda loogu saaray arrimo ay ugu mudan yihiin amnniga, maalgashiga iyo iskaashigu, isla markaana la isla gartay abuuridda guddiyo door ah oo danaha labada dal ka shaqayn doona, waxana uu yidhi,  “Waxa kulanka lagaga wada hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin xidhiidhka labada xoojinta nabadgelyada iyo amniga, iskaashiga iyo horumarinta maalgashiga iyo dhaqaalaha. Waxyaabaha kale ee lagaga wada hadlay waxa kamid ahaa sii ambo qaadka iyo sii adkaynta xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee dalalka Somaliland iyo Itoobiya, iyada oo la isla qaatay in la abuuro guddiyo ka shaqayn doona arrimaha masiiriga ah iyo horumarka labada dawladood ka dhexeeya, kuwaas oo ay kamid yihiin guddiyada Amniga iyo nabadgelyada, ganacsiga iyo isu socodka iyo guddida horumarinta xuduudaha.”

blankWasiirka Warfaafinta dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Guuleed Aw Cali Kaahin, ayaa isaguna dhinaciisa hoosta ka xarriiqay inay labada madaxweyne kulankooda kaga wada hadleen arrimo la xidhiidha isbeddelada ka socda geeska Afrika iyo dardargelinta iyo ka midho dhalinta heshiisyadii ay Somaliland iyo dawladda Federal-ka Itoobiya hore u kala saxeexdeen, waxana uu yidhi, “Qodobadda laga wada hadlay, waxa ay laf-dhabar u yihiin guud ahaanba Geeska Afrika koboca dhaqaale ee ka jira, waxana ugu muhiimsan in lasii xoojiyo lana dardargeliyo  heshiisyadii ay hadda ka hor galeen Somaliland iyo dalka Itoobiya, in goobaha xadka ah oo dhan laga sameeyo horumar wada jira, guddiyada la dhisayaana waa guddiyo sii dardargelinaya wixii hadda ka hor jirey.”

Wasiirku waxa uu raalligelin ka bixiyey hadalo hore uga soo yeedhay madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya oo nuxurkiisu ahaa walaac la xidhiidha nabadda iyo ammaanka ka jira Somaliland.

“Runtii arrintaasi hadal uu madaxweynuhu hore idaacada uga yidhi bay ahayd, sida uu u yidhi iyo sida loo qaatayna laba aad u kala fog weeyaan, maantana golihii wasiirrada ee goobta fadhiyey iyo labada madaxweyne si ballaadhan bay arrintaas uga hadleen, haddii ay qalad u qaateenna raalligelin buuxda ayaannu ka bixinay, shacabkana waxannu leenahay waad ka raalli ahaanaysaan, Somaliland-na waa waddanka noogu xiga ee deriska nala ah meel ay nabadgelyo ba’ani ka jirtona ma aha,” ayuu yidhi wasiir warfaafinta dawlad-deegaanka Itoobiya, Mudane Guuleed Aw Cali Kaahin.

blankSidoo kale, labada madaxweyne waxa ay la kulmeen ganacsatada waaweyn ee reer Somaliland, waxana halkaas lagu hogo-tusaaleeyey baahida loo qabo inay ganacsatadu u gudubto hannaanka maalgashiga labada dalka, si loo sii xoojiyo wax soo saarka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee labada waddan.

Kulanka kadib, waxa ay labada madaxweyne u tallaabeen dhinaca xuduudda Itoobiya ee magaalada Wajaale, waxana ay kulan kale oo waqti kooban qaatay ku yeesheen Huteelka Madar ee daanta Koonfureed ee magaalada Wajaale.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories