HomeMadaxweyne Muuse Biixi iyo Guddoomiye Cirro oo markii u horeysay Kulmay iyo...

Madaxweyne Muuse Biixi iyo Guddoomiye Cirro oo markii u horeysay Kulmay iyo Arrimaha ay ka wada-hadleen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley hoggaanka sare ee xisbiga waddani oo ay horkacayaan gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo saraakiil kale oo xisbiga ka tirsan..

Kulankaasi oo madaxweynuhu u fidiyey masuuliyiinta xisbiga waddani ayey ujeedadiisu ahayd sidii laysugu laab xaadhan lahaa xanaftii iyo ololihii dhexmaray xisbiyada wakhtigii lagu jiray ololaha doorashada iyo in la isla meel dhigo meelna looga soo wada jeedo danta qaranka, doorka mucaaridnimadu ay noqoto mid wax dhista, waxna toosisa, xukuumadduna ay dulqaadkeeda yeelato wixii toosin ah.

1Kulankaasi oo saacado qaatay waxa madaxweynaha ku wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye, Mudane Axmed Cabdi Dheere iyo  Xil Siciid Cabdilaahi Yasir.

Kulanka ka dib waxa saxaafadda la hadlay Xuseen Axmed Caydiid oo u hadlay Xisbiga Waddani waxaanu yidhi,  “Maanta oo ay bisha Diseenbar 24  tahay  waxaanu Madaxweynaha  iyo Madaxweyne ku xigeenka iyo Tiimkiisii oo Kulmiye ah ugu nimi Madaxtooyada, in aanu isku aragno Waddani ahaan iyo Xukuumadda xisbiga Kulmiye, islaab xaadhasho uun iyo sidii arrimaha qaranka looga wada shaqayn lahaa ayuu daarnaa kulankani, iyadoo dhinac waliba uu leeyahay waajibaadkiisii  gaarka  ahaa xisbiga Waddanina doorkiisii leeyahay hadana sidii arrimaha qaranka looga wada shaqayn lahaa baan ku kulnay.

5Wax badan oo qaran ahaan inoo wada sameeyey oo mucaarid iyo muxaafid aan la kala lahayn ayaa jira oo laga wada shaqaynayo, mucaarid iyo muxaafid aan la kala lahayn, ayaa jira oo laga wada shaqayn karo kolay taas ayuun bay ku saabsanayd iyo islaab xaadhasho runtii ummaddana fariinta aan u diraynaa tahay si Xisbiga waddani doorashadii go’aankii hore ee uu ka qaatay uu yahay keedii, Xukuumaduna ay iyaduna asluubteedii yeelayso dul qaadkii laga rabayna ay u yeelato doorkaa mucaaradeed, Saxaafadana dulqaad u yeelato mucaaridka dulqaad u yeelato, arrimahaasi oo runtii aanu si wanaagsan isugu afgaranay  qarankan iyo mashaakilaadka taagana aanu iska waraysanay guud ahaan, waana kulankii koobaad wixii arrimo qaran ah in laga wada shaqeeyo waa laga balamay”.

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isna ka hadlay ayaa yidhi “Waxa maanta isu yimi Madaxweynihii Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne ku xigeenka Madaxda Xisbiga Kulmiye iyo Xisbigii Waddani runtii waa Madaxdii ugu awooda badnaa dalka, sidaa uu sheegay Xuseen Axmed Caydiid, waxaanu ku heshiinay maadaama ay xanaftii Doorashadu inaga dhammaatay, in dantii qaranka laga wada shaqeeyo,  Xisbiyada Mucaaridka iyo muxaafidkuba, hawlo badan baa inoo yaala runtii aan ku eekayn uun doorashadii Madaxtooyada in aan si wada jira uga wada shaqayno runtiina ay mucaaridku noqdaan muraayada aan isku daawanayno oo ah kuwa na toosinaya, xisbiga mucaaridka mar walba waxa uu yahay muraayada laysku eego ee marwalba tallo iyo tilaam wixii shaqadaasi ka qaloocma toosinaya, waxaan ku heshiinay in si qaranimo oo wax dhisida oo mucaaridad wax dhista ah ay u shaqeeyaan iyaguna oo ay balan qaadeen anaguna aanu dul qaad u yeelano dhaliilaha naloo soo jeedinayo ama toosinta, mucaaridadu maaha dumis inay dadku khalad u fahmaan maaha, waxay qaateen inay dalkii dhisaan oo toosiyaan oo xukuumadii maanta dhisantahay wixii dhaliila ama shaqo ka leexda ay ku toosiyaan annaguna waxaanu balan qaadnay in aanu dul qaad u yeelo toosintooda iyo tilmaantoodaba hawlaha inoo yaalana aan si wada jira uga wada shaqayno mudada dhow, waxanay maanta ahayd kulan kii koobaad wada hadalkii ku furmay”.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories