HomeMadaxweyne Muuse Biixi Daah-Furay Shirweyne Caalami Ah Oo Somaliland Marti-gelisay

Madaxweyne Muuse Biixi Daah-Furay Shirweyne Caalami Ah Oo Somaliland Marti-gelisay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta daah-furay shir caalami ah oo lagu lafo-gurayo, lagagana doodayo nabadda iyo dawlad-dhiska, kaas oo uu soo qabanqaabiyey machadka BRENTHURST Foundation oo xaruntiisu tahay waddanka Koonfur Afrika.

Shirkan oo Sannadkan ay Somaliland marti-gelisay oo diiradda lagu saaro Amniga iyo dawlad-dhiska, kana mid ah barnaamij lagu falan-qeeyo ammaanka qaaradda Afrika (African Security Dialogue) isla markaana laguna casuumo waddamada Afrika ee muhiimka u ah arrimaha amniga, waxa ka soo qayb-galay aqoonyahanno, siyaasiyiin, cilmi-baadheyaal, saxafiiyiin iyo haldoor kale oo ka kala yimi ugu yaraan 17 waddan, waxaana muddada uu socdo lagu faaqidi doonaa arrimaha muhiim ah u amniga.

Madaxa macadka shirkan qabanqaabadiisa leh Dr. Greg Mills oo ugu horeyn shirka ka hadlday, ayaa ka sheekeeyey nuxurka shirka ku tilmaamay inuu salka ku hayo amniga iyo dhismaha dawladnimada, waxana uu tilmaamay inuu yahay shirkii ugu horreeyey ee machadkani ku qabto waddamada Geeska Afrika, islamarkaana ay ka maamul ahaan si buuxda ugu qushuucsan yihiin amniga, nabadda iyo xasiloonida ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi, ayaa soo dhaweeyey in shirkan lagu qabto gudaha Somaliland, waxana uu caddeeyey inay taasi caddaynayso xasilloonida iyo amniga ka hana qaaday Jamhuuriyadda Somaliland iyo sida ay u tahay bogcad dunidu ku qabto kalsooni buuxda oo dhinac kasta ah.

Jidkii dheeraa ee ay Jamhuuriyadda Somaliland usoo martay qarannimadeeda, sidii ay uga soo gudubtay caqabadihii badnaa ee ku gedaannaa, hannaankii ay u xallisay khilaafyadii kala duwanaa ee Beelaha iyo habka ay qaran buuxa oo nabadgelyo iyo xasillooni buuxda haysta, ayuu madaxweynuhu u sharraxay khubaradii caalamiga ahayd ee shirka ku sugnayd, waxana uu sheegay inay Somaliland mudan tahay in laga barto cashar la xidhiidha amniga iyo dawlad-dhiska.

blankMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse waxa uu sharraxay qiimaha ay leedahay nabadda iyo xasilloonida ay dadka deegaanku gacmahooda ku abuurtaan iyo sida ay horumarka loogu gaadho, waxana uu yidhi,“Nabaddu waa Aas-aaska qaran dhiska iyo horumarka, xasilloonida iyo amniga aad gacantaada ku samaysato ee aad halka ugu hoosaysa kasoo bilowdaa waxa uu ka wanaagsan yahay midda dunida kale kuusoo waariddo.”

blankMadaxweynuhu waxa si cad u sheegay inay Somaliland diyaar u tahay inay dunida wax la qaybsato, iskaashi buuxana la yeelato cid kasta oo ay isku dan noqdaan, islamarkaana ay sii wadi doonto adkaynta amniga, horumarinta dhaqaalaha, Dimuqraaddiyadda iyo horumarka dhinacyada kala duwan ee ay ku hawllan tahay.

blankShirkan oo ah kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee lagu qabto dalalka Geeska Afrika, ayaa Jamhuuriyadda Somaliland u ah fursad weyn oo ay ku muujinayso qaangaadhnimo dawladeed, is-kaashi caalami ah iyo kasbashada saaxiibbo cusubba, shirkan iyo kuwo ka waaweyna in lagu qabto u diyaarsan tahay.

blankGebogebadii shirka, waxa uu madaxweynaha qaranku Jawaabo waafi ah ka bixiyey su’aalo kala duwan oo ku saabsan sida uu ku yimi amniga Somaliland iyo Dimuqraaddiyadda hanaqaadka ah ee ay sababtay inay madaxweyneyaal badani xilka isugu wareejiyaan hannaan nabadgelyo ah oo aanay la qabin dalalka kale ee Geeska Afrika.

Madaxweynaha waxa shirka ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, ahna ku-simaha wasiirka, wasiirradda wasaaradaha, horumarinta maaliyadda, Arrimaha gudaha, Warfaafin iyo xubno kale oo xukuumadda katirsan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories