HomeMadaxweyne Mustafe Cagjar oo ka Hadlay Dagaalka TPLF, Qorshaha DDSI iyo Siyaasadaha...

Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ka Hadlay Dagaalka TPLF, Qorshaha DDSI iyo Siyaasadaha laysku Haysto

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Djibouti (SLpost)-Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Maxamed Cumar (Cagjar), ayaa ka hadlay sababaha ka dambeeya colaadda ka aloosan dalka Itoobiya.

“Isku dhacyada ka dhacay Itoobiya dhowrkii sano ee la soo dhaafay iyo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxaa lala xidhiidhiyay istaraatiijiyad dhaqaale iyo militari, laakiin may ka maarmin fikradahooda iyo siyaasadahooda,” ayuu yidhi Cagjar.

Wuxuu ku dooday in arrinta Soomaalida Itoobiya ay mawqif siyaasadeed oo cad ka qaateen, taasoo uu sheegay in aanay faragelin doonin dagaallada ka socda Itoobiya, ayna difaaci doonaan dhulkooda.

blankMadaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Musafa Maxamed, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka hadlayay dood ku saabsan xiisadda Geeska Afrika oo Isniintii ka dhacday dalka Jabuuti.

Dood-cilmiyeedkan oo ku saabsan qalalaasaha siyaasadeed ee Geeska Afrika, casharrada laga baran karo iyo, ayaa waxaa soo qabanqaabiyay machadka Heritage ee daraasaadka siyaasadda, waxaana diiradda lagu saaray mowduuca “Kacdoonka Geeska Afrika ee Rajada xasilloonida Waarta”.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafa, ayaa sheegay in marka la eego dhibaatada ka taagan gobolka Itoobiya uu kaga duwan yahay gobolka intiisa kale ee Geeska Afrika.

“Laakin mar walba waxaa jiray faragelin shisheeye, Itoobiya, oo ah dalka ugu weyn gobolka, iyo waxa loogu talagalay in ay noqoto “Anchor state” laakiin waxay keentay qalalaasaha hadda ka jira Itoobiya oo qayb weyn ka ah istaraatiijiyadda dhaqaalaha iyo militariga.” ayuu yidhi.

“Waxaan aaminsanahay in TPLF la cidhibtiray saddex sano ka hor.” Laakin soo laabashadooda iyo xaaladda hadda jirta waa mid u furan cid walba, ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne Mustafa Cagjar, isagoo muujiyay inay taageersan yihiin quwadaha shisheeye.

Waxa uu sheegay in Soomaalida ay u fasirtaan xaaladda Itoobiya mid federaal ah, halka qaar kalena ay ku tilmaamaan colaad qowmiyadeed.

“Oromo waxay ku kala qaybsan yihiin fikradda federaalka. Inta badan Axmaarada ma rabto federaal, laakiin waxaa jira siyaasiyiin ku kala aragti duwan. Tigrayga, waxay rabaan inay awood u leeyihiin inay dib ugu soo celiyaan xukunka Itoobiya, ee ma aha inay helaan nidaam dimoqraadi ah. ” Ayuu yishi Madaxweyne Mustafa, isagoo sharaxaya fikradaha kala duwan ee ku xidhan qalalaasaha Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sheegay in marxalada Soomaalidu ay haatan ku sugan tahay ay tahay in Soomaalida ay ilaashadaan deegaankooda Soomaali ahaan, balse waxa uu sheegay in mucaaradnimada gudaha ee maamulka Soomaalida Itoobiya oo qaarkood ay u jeedaan jiho kale, oo ay taageero siyaasadeed ku doonayaan.
“Lama garanayo cidda xukunka la wareegi doonta. Waxay leeyihiin Tigray, marna Oromo, marna Amxaaro,” ayuu yidhi.

Dhanka kale, Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Maxamed Cagjar, ayaa bogaadiyay hannaanka siyaasadeed ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, isagoo sheegay in lixdankii sano ee la soo dhaafay ay dadka Soomaalida Itoobiya ay heleen waqtigii ugu wacnaa ee muddo saddex sano iyo badh ah uu ahaa Ra’iisal Wasaare.

“Itoobiya, isbedel siyaasadeed ayaa ku soo fool leh, waana inaan u diyaargarownaa,” ayuu yidhi.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay in dowladda Federaalka ee hadda jirta ee uu hoggaamiyo Abiy aanay faragelin ku sameyn Soomaaliya, isla markaana ay la xidhiidhi oo kaliya dowladda federaalka Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay ka duwan tahay nidaamkii hore ee Itoobiya, isagoo ammaanay siyaasadda Abiy ee ku wajahan dowladda Federaalka. Soomaaliya oo kaliya.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories