HomeMadaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland oo soo Jeediyey in la sameeyo Xeer...

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland oo soo Jeediyey in la sameeyo Xeer Xakameeya Madax-dhaqameedka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa Madax-dhaqameedka ugu baaqay inay ku eekaadaan xilka iyo masuuliyadda loo doortay, siyaasaddana aanay faraha la soo galin, waxaanu ku baaqay in la sameeyo xeer xakameeya.

Axmed Yuusuf Yaasiin, wuxuu sidoo kale ka hadlay Doorashadii Shir-guddoonka ee Shalay ka dhacday Xarunta Golaha Wakiilada, ee lagu doortay Shir guddoonka Golaha Wakiilllada ee cusub.

Axmed Yuusuf Yaasiin“Innagu Somaliland ahaan waxaynu cid walba kaga horaynaa waa wax wada qabsashada, wada tashiga, isku duubnimada iyo isku tanaasulka, oo maanta Koonfurta (Soomaaliya) nidaam la’aanta iyo qorshe la’aanta ka taagan weynu aragnaa, halka inaga dalkeena uu nidaam dimuqraadiyad iyo wada tashi ka jiro, waxaa kale oo xusid mudan inaynu Doorashooyinkeena u qabsano si aad u wanaagsan, oo ah hal cod iyo hal qof ah, halka Soomaaliya aanay weli heerkaas gaadhin.

Sidaas darteed haddii aan u soo noqdo Doorashadii shalay ee Shir-guddoonka Golaha Wakiilada ee cusub, si fiican baa loo tartmaay, tartan wanaagsana wuu dhexmaray Musharrrixiintii kala duwanaa ee ku tartamayey Shir-guddoonka Wakiillada, sidaas awgeed ciddii ALLE u qoray ayaa Shir-guddoon noqotay, dhammaanteena weynu wada guulaysanay, masuuliyiinta Shir-guddoonka ku tartamayey ee waayey, waxaan leeyahay waad dedaasheen, balse calaf baydaan ku lahayn, Masuuliyiinta guulaystay ee Shir-guddoonka noqdayna waxaan leeyahay waa inaad isku waddaan Golaha, waana idiin ducaynayaa, waana idin hambalyeynayaa, dhammaan 82 mudane ee Golaha Wakiiladana waan hambalyeynayaa, waanan u ducaynayaa, mar haddii ay tartan hore soo galeen, oo hadda la dhaariyey, waa Xildhibaano Qaran, oo mar walba si daacadnimo ku jirto Ummaddiina ugu adeega, oo xilkiina si daacadnimo ku jirto u guta,” sidaas ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland oo ka hadlayey madax-dhaqameedka iyo doorkooda siyaasadda dalka, waxa uu yidhi, “Wakhtigayagii aanu ahayn Golaha, Madax-dhaqameedka dalku aad bay u koobnayeen, balse hadda Madax-dhaqameedkii aad bay u bateen, runtiina anigoo ixtiraam iyo sharaf u haya Madax-dhaqameedka dalkeena, haddana Madax-dhaqameedku waa inay ku eekaadaan xilka iyo waajibka dhaqanka ee ay Reeraha u hayaan, mana aha inay hawlaha siyaasadda faraha la soo galaan oo ay mar walba ka hadlaan, imika 82 mudane waxay Wakiil ka yihiin ummaddii soo dooratay, oo Siyaasadda ayey ugu mataalan, markaas Madax-dhaqameedku dantooda ha ku eekaadaan.”

“Goleyaasha Sharci-dejintana waxaan ka codsanayaa inay soo saaraan Xeer nimdaamiye xakameeya Madax-dhaqameedka, oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa marka hore looga baahan yahay inay Xeerkan soo curiso, oo waliba ay iskugu yeedho Madax-dhaqameedka, kadibna u soo gudbiso Fulinta, kadibna ay Goleyaasha u soo gudbiso, sidaasna ay Goleyaashu ku ansixiyaan, haddii la soo saaro Xeerkaana waxaa hubaal ah in aanay jiri doonin Madax-dhaqameed ku hadla waxay doonaan, Waddanka Maleeshiya iyo Waddamo badan oo Caalamka ah ayaa Xeer nidaamiyahan leh, markaas Xeerkani faa’iido ayuu inoo yeelanayaa ee ha la sameeyo,” Sidaas ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika.

Somalilandpostnet

contact@somalilandpostnet

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories