HomeMadaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo tilmaamay Sida aanay u habboonayn in Madaxda dalka...

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo tilmaamay Sida aanay u habboonayn in Madaxda dalka lagu Abaalmariyo Gudashada Waajibaadkooda

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa markii ugu horreysay ka digay qaabka Ururrada Waddaniga ah ee dalka ka jiraa u bixiyaan waxyaabaha ay ugu yeedhaan Abaal-marinta, isla markaana waxa uu ku taliyey maaddaama oo ay waxa Abaal-marin loo yaqaannaa wax weyn tahay marka loo eego heer caalami loo baahan yahay in loo sameeyo Xeerar iyo Shuruuc lagu hago iyo Shuruudo lagu xulan karo cidda Abaal-marin u qalanta.

Soo-Dhawayntii-Saylici-25Md. Cabdiraxmaan-Saylici waxa uu sheegay inaan loo baahnayn in gudashada waajibaadka Shaqo ee saaran iyo Xilka ay Qaranka u hayaan lagu abaal-marin Masuuliyiinta kala duwan ee laamaha dawladda, balse loo baahan yahay in la abaal-mariyo Muwaaddiniinta Bulshada ka tirsan ee dalka iyo dadka Somaliland wax ku soo kordhiya oo sannadkiiba shan qof iyo wax la mid ah la soo heli karo haddii si sax ah wax loo qiimeeyo.

Madaxweyne Ku-xigeena Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici waxa uu sidaas ku sheegay hadal uu ka jeediyey Munaasibad uu 54 qof oo isugu jira Masuuliyiin dawladda ka tirsan, Suxufiyiin, Qoraayo, Ganacsato, Qurbo-joog, Shaqaale dawladeed, Xildhibaanno, Hal-abuurro, Culimo iyo qaybaha Bulshada oo Urur WADDANI ahi u soo xulay Shaqsiyaadka Sannadkan galbanaya ee 2014-ka noqdeen kuwo wax ku kordhiyey Danta guud iyo Daryeelka Bulshada sida ay hadalka u dhigeen.

“Waxaan hambaaynayaa cidda halkan abaal-marinta lagu siinayo. Waxaan leeyahay Saaxiibbadayda SODRA waxa la yidhaahdo Abaal-marintu waa inaanay idinka noqon nin jecaysi, saaxiib-garasho iyo wax la mid ah, waa arrin aad iyo aad u muhiim ah, waa in Xeerar, Shuruuc iyo Shuruudo aad ku kala doorataan ummadda ee aanay mar walba innaga noqon biyo-dhac, waayo? Xil baa inna wada saaran.”

“Weliba gaar ahaan inta ummaddani u igmatay inay xil u hayso hadday dadaalaan waa waajibkooda, haddii ay waajibkooda ka soo bixi waayaanna Illaahay baa kala xisaabtami. Markaa, dadka inta badan la abaal-marinayaa waa inay noqdaan Shaqsiyaadka Bulshada wax ku soo kordhiya ee aanay noqon Masuuliyiinta Qaranka, balse waxa la heli karaa sannadkii illaa shan qof oo dadka iyo dalka wax ku soo kordhiyey, Masuuliyiinta Qaranku hadday dedaalaan waa waajib saaran.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories