HomeMadaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Socdaal ujeeddooyin badan ugu ambo-baxay Magaalada Boorame

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Socdaal ujeeddooyin badan ugu ambo-baxay Magaalada Boorame

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Boorame, (SLpost)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti ballaadhan oo uu Hoggaaminayay ayaa maanta socdaal shaqo ku tagay magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal.

blankWeftiga  Madaxweyne Ku xigeenku  Hoggaaminayay Wefti  iskugu jiray Wasiirro, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda, Saraakiil ka tirsan Haa’yadaha dawlada iyo masuuliyiiin  kale, waxa uu saaka abbaaro 7:40 subaxnimo ka ambo baxay magaalada Hargeysa.

Weftiga waxa si weyn loogu soo dhaweeyay degmada Dilla halkaasi oo ay kaga horyimaadeen  Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Axmed Xadi Sidci , Maayarka Degmada Dilla Salaadiin Iyo Boqolaal qof oo ka mid ah bulshada degmada Dilla kuwaasi oo ruxayay caleemo qoyan. Calanka Somaliland kuna dhawaaqayay hal ku dhigyo  ay ka mid ahaayeen“Sinjigaad ka dhalatiyo Somaliland-baa kuu sacab tumaysee ku soo dhawoow salaan  wacan”, “Waa geesigii oo guul buu wadaa.”

blankMd. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa kale oo si weyn loogu soo dhaweeyay Tuullada Tulli Cagaaran , waxa kale oo weftiga si weyn loogu soo dhaweeyay Tuulada Gorayo-cawl  halkaasi oo uu  kaga horyimid  Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Hawlaha Guud, dib u dejinta iyo Duulista Hawada oo weftigan u sii gogol xaadhayay.

Waxa kale oo masuuliyiinta soo dhaweeyay ka mid ahaa Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ee Somaliland Md. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Xildhibaano ka soo jeeda xisbiga UDUB oo uu ka mid ahaa Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh. Cali  Ayaanle. Weftigan Madaxweyne Ku xigeenka waxa u soo galbiyay magaalada Boorame gaadiid aad u badan.

blankWeftiga Madaxweyne Ku xigeenka waxa magaalada Boorame ku soo dhaweeyay Kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha kuwaasi oo sufuuf u taagnaa jidka wadnaha ee badhtamaha magaalada Boorame, waxaanay siteen calamada Somaliland iyo caleemo qoyan waxaanay ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ay ku taageerayeen Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland. Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland oo saxaafada ugu waramayay Huteelka Rays ee magaalada  Boorame waxa uu  sheegay in socdaalkiisu salka ku hayo sidii uu xog ogogaal ugu noqon lahaa xaaladda guud ee gobolka. “Socdaalka weftigaygu waxa uu xidhiidhaa sidii aan ugu kuur geli lahayn xaalada guud ee gobolka Awdal gaar ahaan dhinacyada abaaraha, maamulka Ha’yadaha dawliga, waxa kale oo aan kulamo la yeelan doonaa Masuuliyiinta maamulka gobolka, laamaha dawlada iyo waxgaradka iyo salaadiinta gobolka Awdal si aanu u ogaano xaaladaha ka jira gobolka,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku. Md. C/Raxmaan Saylici waxa uu sheegay in socdaalkiisa Gobolka Awdal uu qaadan doono muddo laba maalmood ah. Weftigan Madaxweyne Ku xigeenka saaka la socday waxa ka mid ahaa Wasiirka BeerahaMd. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoolle), Guddoomiye Ku Xigeenka NERAD Axmed Muxumed Geelle, Ergayga Madaxweynaha ee Gobolka Sanaag Sahal Maxamed Jaamac, La Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Haweenka Marwo Amaal Xaaji Axmed Miisaan iyo Marwada labaad ee Somaliland Marwo Raxma Xaaji Muxumed Suldaan iyo xubno kale.

blankSocdaalka Madaxweyne ku-xigeenka ee Gobolka Awdal ayaa ku soo beegmaya wakhti uu hore halkaas ugu sugan yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo maalmahanba safar shaqo ku joogay gobolkaas.

SLpost News Desk

kaafi20@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories