HomeMadaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Shahaado-sharaf ku maamuusay Shirkadda Isgaadhsiinta ee SOMTEL Kaalintii...

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Shahaado-sharaf ku maamuusay Shirkadda Isgaadhsiinta ee SOMTEL Kaalintii ay ka qaadatay Dhismaha Waddada Xaafadda DAAMI

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxwene ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Waddada Xaafadda Daami ee dagmadda Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi (Saylici) oo hadal kooban ka jeediyay Xafladdaa dhagax-dhigga ah ee waddada Xaafadda Daami ayaa ugu horrayn faahfaahin kabixiyay faa’idada ay waddadani u leedahay Bulshada ku dhaqan Xaafadda Daami ee dagmadda G/libaax. Madaxweyne Ku-Xigeenku isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu mahad-naq u soo jeediyay Shirkadda Isgaadhsiinta SOMTEL isagoo uga mahad-caliyay kaalinta mugga leh ee ay ka geysatay dhismaha waddada, kuna ammaanay dedaalka iyo horumarka ay ka geystaan Bulshadda Qeybaheeda kala duwan.

blankMadaxweyne Ku-xigeenku waxa uu Shahaado-sharaf gudoonsiiyay Shirkadda isgaadhsiinta SOMTEL, taasoo lagu maamuusay gacanta ay ka geysatay hirgelinta dhismaha waddada xadhigga laga jaray ee Xaafadda Daami. Shahaado-sharafta oo ay soo diyaariyeen dadka xaafadda Daami ee dagmadda G/libaax ayey ku tilmaameen ama ku sifeeyay kaalinta mugga leh ee ay ka geaysatay SOMTEL dhismaha jidkaas laamayda ah. Shirkadda SOMTEL ayaa iyadu muddooyinkii danbe aad u soo  xoojinaysay wax ka qabashada arrimaha Bulshadda, dardar-gelinta  adeegyada kala duwan ee Isgaadhsiinta.

Dhagax-dhigga dhismaha waddada waxa Madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinayey Maayerka caasimadda Hargeysa Eng:Xuseen Maxamuuud Jiciir iyo  xubno ka mida golaha Wasiirrada Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Kalluumaysiga Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), Wasiirka Duulista hawada iyo Gaadiidka Cirka Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Ganacsiga C/risaaq Khaliif Axmed  iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha bulshada beelaha la hayb-sooco Barkhad Jaamac Xirsi, madaxa xidhiidhka dadweynaha ee Shirkadda SOMTEL Cabdinaasir Cawad Muuse, Wasiir ku-xigeenkii hore ee Caafimaadka Somaliland Mahdi Cismaan Buuri iyo xubno kale.

Ugu  horrayn waxa dhagax-dhigga waddadan ka hadlay La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha bulshada  Barkhad Jaamac Xirsi waxaanu sheegay inay tahay markii ugu horaysay ee uu xaafada Daami yimaado madaxweyne ku xigeen Somaliland ahi taasina ay ka marag kacayso sida ay xukuumadu ugu soo jeedo inay wax u qabato dadka laga tirada badan yahay ee ku nool xaafada Daami ee magaalada hargeysa waxaana hadaladiisi ka mid ahaa waxaan u mahad naqayaa dhamaan masuuliyiinta heer qaran ee ka soo qayb galay munaasibada dhagax dhiga waddada iyo Shirkadda isgaadhsiinta SOMTEL oo iyadu bixisay deeqdii ugu Horeesay ee dhismaha wadadan deeqdaas oo dhamayd 50 Foosto oo daamur.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici oo waddadan si rasmi ah u dhagax dhigay ayaa sheegay  inuu ku faraxsan yahay in xaafadan uu u dhagax dhigo wadadan waxaanu yidhi in khayraadka dalka la baahiyo oo la gaadhsiiyo gobolka kasta iyo degmo kasta oo ka mida dalka, Dadka xaafadan ku dhaqana aad ayaan ugu hanbalyeynayaa abaabulkooda.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories