HomeMadaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo Shacabka Hargeysa Salaadda Ciidul Adxa-ha kula Tukaday Garoonka...

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo Shacabka Hargeysa Salaadda Ciidul Adxa-ha kula Tukaday Garoonka Kubadda Cagta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa saaka Salaadii Ciidal Adxaha kula tukaday qaar ka mida dadweynaha Caasimadda Garoonka Kubada Cagta, khudbadna u jeediyey shacabkana ku hambalyeeyey Farxada maalinta Ciidul Adxa.

blankMadaxweyne ku xigeenku waxa uu xusay in Xukuumaddu ay dagaal kula jirto Mukhaadaraadka, kuwaasi oo dhibaato ku haya bulshada Somaliland, waxaana uu shacabka ugu baaqay inay is garab taagaan Ciidamada Ammaanka “Xukuumaddu waxay diyaar u tahay marwalba oo heegan u tahay wax Alle wixii shacabka dhibaato ku ah inay dagaal la gasho, Maanta waxaan dagaalka ugu weyn kula jirnaa Mukhaadaraadka la sheegay hadduu yahay Qaadka oo sida xun loo isticmaalayo, hadday tahay Xashiishada, hadduu yahay Khamri, Xukuumaddu wixii Itaalkeeda ah kalama hadhayso waxay u taagan tahay inay xoog iyo xoolaba ku bixiso sidii mujtamacan looga bad baadin lahaa mukhaaradaadkaas oo baabiinaya dhalinyarteenii soo kacaysay “.

blankCabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan oo garab joogsadaan Ciidamada heeganka ugu jira la dagaalanka Mukhaadaraadka waxaana uu yidhi “Haddaad shacbiweynihii tihiin waxaa laydinka rabaa inaad ku garab joogsataan Ciidamada ammaanka ee ugu horeeyaan Boolisku ee halganka ugu jira la dagaalanka Xashiishada, Khamriga, Maandooriyaha”.

blankDhanka kale Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Bulshada reer Somaliland ugu baaqay in lays cafiyo oo wanaaga laga wada shaqeeyo “Waxaynu dhammaanteen u baahanahay inaan ka dagaalano in balwadaha iyo mukhaadaraadka dhalinyarteenii iyo qoysaskeenii duminaya inaan dhan uga wada jeesano, diinta iyo wanaaga u jeesano, dhammaanteen waxaan u baahanahay haddaan reer Somaliland nahay inaynu is cafino oo wanaaga ka wada shaqayno.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories