HomeMadaxweyne ku xigeenka Somaliland oo maanta la kulmay Wefti ka socday Shirkadda...

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo maanta la kulmay Wefti ka socday Shirkadda TOYOTA MARILL oo dalka maalgashi ka fulinaya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 25 February, 2012 (SLpost)- Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kulan la yeeshay wefti ka kooban shan xubnood oo ka socda shirkadda Caalamiga ah ee TOYOTA MARILL oo dhawaan waddanka ka hirgelinaya qaybtooda Somaliland

Weftigan oo uu hoggaaminayey agaasimaha Maamulka ee Shirka Lucmaril kuna wehelinayeen Denis Bouzin, Kateryn Bourgine,  Cismaan Cabdi Cismaan Wakiilka Somaliland ee Shirkada TOTOYA MARILL iyo Siciid Jaamac Cali, waxa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Saylici oo ugu horreyn soo  dhaweeyey inay shirkaddani dalka ka hirgeliso maal-gashiga shirkad caalami ah isaga oo xusay inay soo dhaweynayaan cid kasta oo dalkan maalgeshi ka samaysnaysa.

blankWarsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada laguna xusay kulanka madaxweyne ku-xigeenka iyo weftiga iyo waxyaabaha ay ka wada hadleen ayaa u dhignaa sidan:

“Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda shirkada caalamiga ah ee TOYOTA MARILL, waftigan oo ka koobnaa shan xubnood ayaa waxaa hogaaminayay Agaasimaha maamulka shirkadaasi una qaabilsan wadamada jabuuti, Somaliland iyo soomaaliya LUCMARILL.

Madaxweyne ku xigeenka waxa  uu uga mahad-celiyey xubnaha weftigaasi booqashada ay ku yimaadeen dalka, waxaanu xusay in ay soo dhawaynayaan cid kasta oo maaligelin ku samaynaysa Dalka, waxaanu intaa raaciyey Madaxweyne-ku-xigeenku in ay gacan ka gaysan doonaan waxkasta oo lagam-maarmaan u ah hirgelinta shirkadan xukuumad ahaan.

Agaasimaha Maamulka ee Shirkada TOYOTA MARILL ee dalka Jabuuti oo kulankaasi ka hadlay waxa uu uga mahad celiyey Madaxweyne ku xigeenka sidii wanaagsanayd ee uu ugu qaabilay xafiiskiisa waxaanu ka xog-waramay agaasimuhu dedaalka ay ugu jiraan in shirkad ahaan ay xafiis-ka furtaan Somaliland oo ah Dal nabdoon, xasiloon isla markaana ku talaabsaday horumar ganacsi, iyo Dimuquraadiyad taasi oo keentay in ay shirkadoodu ay ku soo hirato arrintaasi, oo ah ta sababtay TOYOTA MARILL ay hormood u noqoto shirkadaha caalamiga ah ee ka jira Somaliland.

Dhinaca Xukuumada  waxa kulankan ku wehelinaayey La-taliyaha xafiiska madaxweyne ku-xigeenka Mudane, Cismaan Siciid Jaamac iyo Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweyne ku xigeenka JSL, Cali Xuseen Nuur

Dhinaca Weftiga

1.         Lucmarill Managing Director

2.       Denis Bouzin

3.       Kateryn Bourgine

4.       Cismaan Cabdi Cismaan Wakiilka Somaliland ee Shirkada TOTOYA MARILL

5.       Siciid Jaamac Cali”

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories