HomeMadaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo kulan la yeeshay Shirkad shisheeye oo Macdan baadhis...

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo kulan la yeeshay Shirkad shisheeye oo Macdan baadhis ka wadda dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 24 January 2012 (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay Wefti ka socday Shirkad ku hawllan baadhista Macdanta Somaliland.

Kulankaas laba geesoodka ah ayaa la iska xaal-waraystay halka ay marayso bilowga hawsha baadhista Macdanta Somaliland oo ay maalgelinayso Shirkad Maraykanka laga leeyahay oo lagu magacaabo Mendesta, isla markaana ay fulinayso Shirkad kale oo la yidhaahdo Nobian Gold.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu shirkadda u soo jeediyay inay wada shaqayn toos ah la yeelato Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha oo Qaranka uga mas’uul ah wixii ku saabsan dhinaca Macdanaha, isagoo intaas ku daray in sida ugu suurto galsan loo bilaabo hawlgalka baadhista Macdanta marka la helo natiijada tijaabada Macdanta Somaliland oo loo qaaday waddanka Kanada.

Dr. Tucker Barrie oo ah ku-xigeenka shirkadda Mendesta Group ayaa sheegay in shirkaddoodu ay si sharci ah u baadhi doonto Macdanta ku duugan Somaliland, waxaanu caddeeyay in hawlgalkoodii koowaad ay ku sahamiyeen Dhul qiyaastiisu gaadhayso Afar iyo Toban kun oo Killo mitir laba jibaaran oo ah deegaanka Waqooyiga Hargaysa.

Dr. Tucker, waxa uu tilmaamay in Macdano badan oo faa’iido lihi ay ku jiraan dhulka Somaliland, taas oo ay ku ogaadeen sida uu xusay tijaabooyinka qaybyada ah ee ay sameeyeen. Dr Tucker Barrie waxaa kale oo uu ka warramay qorshayaasha mustaqbalka dhaw ay Shirkaddoodu ka fulin doonto gudaha Somaliland.

Maxamed Cumar Ismaaciil oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Shirkadda fulinaysa hawshan ee Nobian Gold ayaa shaaciyay in tijaabooyinkii loo qaaday dalka Kanada natiijooyinka ka soo baxay dhawaan waddanka la keeni doono isagoo u mahad-celiyay cid kasta oo gacan ka geysatay dhaqaajinta Mashruucan.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories