HomeMadaxweyne Ku -xigeenka oo ka Warbixiyay xaalada Abaaraha Gobolada Awdal iyo Selel...

Madaxweyne Ku -xigeenka oo ka Warbixiyay xaalada Abaaraha Gobolada Awdal iyo Selel caalamkana baaq u diray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...


Hargeysa (SLpost) -Madaxweyne ku xigeenka Somaliland  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ah guddoomiyaha abaaraha oo safar  indho-indhan ah u tagay goboladda galbeedka Somaliland, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ,  waxaanu caalamka iyo bulshadda ku booriyey inay gurmad u fidiyaan dadkaasi.

blank

Madaxweyne ku-xigeenku markii uu dalka dib ugu soo laabtay ayuu shirjaaid ku qabtay gurigiisa waxaanu meesha caalamka ka codsanay inay gurmad degdeg ah la soo gaadhan dadka ku dhaqan goboladda galbeeda isagoo arrimaha ka hadalay wuxuu yidhi  “ Waxaan ka bilaabay safarkan dhinaca galbeed ee gobolka Awdal ilaa Gobolka Selel oo aan soo maray tuulooyin aad u badan, waxaana hadana dib safar kale u galnay bariga gobolka Awdal, deegaanadda aan maray oo sodan goobood ahayd oo Awdal iyo Selelba iskugu jiray, toban goobood ayey dadkii xooluhu ka dhamaadeen ay ku soo qaxeen, kuwaas oo u baahan hoy, biyo iyo goobo caafimaad oo lagu kordhiyo kuwii hore ugu jiray”ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Somaliland Saylici oo mudd afar cisho ku maqnaa qiimeynta xaaladda nololeed ee deegaanadaasi ka  jira waxaanu hadalkiisii sii raaciyey “Waxaan bulshadda iyo caalamkaba ugu baaqaynaa in dadkaasi loo gurmado oo aan dib wax loogu dhigan.”

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu  sheegay in abaartaasi afar jirsatay oo afartii sannadood ee ugu dambeeyey aanay helin wax roob ah, iyagoo meelaha qaarkood aad ku arkaysay dadkii oo xoolihii iskaga tagay ka dib markii ay noloshoodii ku adkaatay xoolihiina u socon waayeen. Sidoo kale,w axa uu madaxweynuhu sheegay in xoolihii ay u dhamaadeen gaajo iyo oon, halka caruurtii iyo dadkii waayeelka ahaa nafaqo daro hayso, una baahan yihiin gurmad dhinaca nolosha ah.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in laba gaadhi oo raashin ah oo ay sideen u qaybiyeen meelihii aan hore loogu qaybin ee buuralayda ah, waxa kale oo uu sheegay in baaqii uu madaxweynaha Somaliland diray uu ka soo jawaabay madaxweynaha Jabuuti oo deeq mucaawimo ah soo gaadhsiiyey dadkan abaaruhu halakeeyeen iyo dadyow kale oo raashin badan u keenay dadkaasi.

Madaxweynaha waxa safarkiisa ku wehelinayey wasiirka xanaanadda Xoolaha Dr: Cabdi Aw Daahir, wasiirka Dib u dejinta Cabdirisaaq Cali Cismaan, Wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Cali Cilmi Geelle, Wasiir ku xigeenka Waxbarashadda Cali Xaamud Jibril, la taliyaha madaxweynaha bariga Sahal Maxamed Jaamac.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories