HomeMadaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb-galay Xaflad Loo Qabtay Dufcadii 10aad Ee Ka...

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb-galay Xaflad Loo Qabtay Dufcadii 10aad Ee Ka Qalin-jebiysay Jaamacadda ADMAS

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qayb-galay xaflad ballaadhan oo loo sameeyay 607 (Lix boqol iyo todoba) arday oo ka qalin-jebiyay Jaamacadda Admas Universaty Collage faraceeda magaalada Hargaysa.

Admas 2018 (1)Munaasibadda oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay kana soo qayb galeen masuuliyiin tiro badan oo ka socota dawladda Somaliland iyo axsaabta qaranka ayaa waxa halkaasi si wayn looga xusay muhiimadda ay waxbarashada iyo aqoontu u leedahay aadamaha.

Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada Somaliland ayaa xusay in wasaaradda waxbarashadu doorkeeda ka qaadan doonto ardayda sanadkani kasoo baxaysa jaamacaadka kala duwan ee dalka isagoo wasiir ku-xigeenku xusay in si cadaalad ah ay u qaybiyeen deeqaha waxbarashada dibadeed ee wasaaradda soo gaadha.

Admas 2018 (2)Madaxweyneku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil oo halkaasi khudbad dheer oo dar-daaran, waano iskugu jirta halkaasi ka jeediyay ayaa waxa uu xusay in xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland si cadaalad ah ay ugu adeegi doonto ardayda kasoo baxaysa Jaamacadaha dalka, waxaanu xusay madaxweyne ku-xigeenku inaanay jiri doonin qof waji ku shaqo tagga balse qof walba oo dawladda Somaliland ay shaqaale nimo u qaadanayso uu ku shaqayn doono waxbarashadiisa iyo aqoonta uu leeyahay, waxaana kamid ahaa hadaladii Madaxweyneku-xigeenka “Waxaan u hambalyaynayaa ardayda jaamacadda Admas, aad ayaanan ugu faraxsanahay inaan idinla wadaago farxada, waxaan idiin rajaynayaa aqoonta aad barateen inay noqoto mid aad dadka iyo dalka ku anfacdaan, mid waxtar yeelata, annaguna inshalaahu waxaanu ballan qaadaynaa cadaalad, ma jiri doono qof waji lagu shaqaalaysiiyaa”ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici.

Admas 2018 (2)Ugu danbayna waxa uu madaxweyne ku-xigeenku gudoonsiiyey qaar kamida ardayda maanta qalin-jebisay bilado iyo koobab ay ku mutaysteen dhibcaha wanaaga ay kaga hormareen ardaydii ay wax soo wada baranayeen iyadoo ay dadkii xaflada ka qalinjebiyey soo jiidatay kaalinta koowaad oo ay wada galeen laba hablood oo jaamacada u qaaday koobabkii koowaad iyadoo hore ay u dhici jirtay in hal qof koobka jaamacada qaado.

https://youtu.be/OrPCW2eTSMQ

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories