HomeMadaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo Ka Qayb-galay Shirweyne Lagu Gorfaynayo Horumarinta Ganacsiga Ka Dhexeeya...

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo Ka Qayb-galay Shirweyne Lagu Gorfaynayo Horumarinta Ganacsiga Ka Dhexeeya Dawladda iyo Shacabka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdriraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa ka qayb-galay shirweyne Ballaadhan oo lagu gorfanayo  sidii loo horumarin lahaa, loona hirgelin lahaa ganacsiyo ay wada leeyihiin xukuumadda iyo shacabku,  kaas oo lagu qabtay caasimadda Hargeysa maanta.

099A0154Shirkan oo ujeeddadiisu ahayd sidii  loo hirgelin lahaa, loogana midho-dhalin lahaa ganacsiyada ay wada abuuraan xukuumadda iyo shacabku, ayaa waxa  soo qaban-qaabisay wasaaradda Ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska, waxana ka qayb-galay madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), wasiirrada wasaaradaha, ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad(Saajin), Maaliyadda, Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi, Gaashaandhigga, Mudane, Ciise Yuusuf Axmed, Horumarinta Maalgashiga,  Axmed Maxamed Cawad, guddoomiyaha Baanka dhexe, Cali Ibraahim Baqdaadi, guddoomiyaha rugta ganacsiga, Maxamed Shurgi,  xubno ka socday baanka adduunka, madax ka socota hay’adaha caalamka, ganacsato iyo marti-sharaf kale, waxana madasha si faah-faahsan loogu soo bandhigay fursadaha maal-gashi ee dalka ka bannaan iyo sida  ay muhiimka u tahay inay ganacsatada gaarka ah iyo dawladdu hirgeliyaan ganacsiyo faa’iido badan keena oo wax ka tara shaqo la’aanta, isla markaana ka qayb-qaadan kara horumarka dhinaca ganacsiga iyo hal-abuurnimada hibooyin wax soo saar oo bulshada loo horseedo.

099A0138Wasiirka wasaaradda Ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska, Maxamuud Xasan Sacad(Saajin) oo ugu horrayn madasha hadallo ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay inay ganacsatada iyo xukuumaddu  diyaariyaan ganacsi  horumarka bulshada qayb weyn ka qaata oo dalka lagu maal-geliyo, waxana uu yidhi, “Maanta halkan waxa isugu yimi laba qolo oo xukuuq iyo xaqba isku leh, waana dawladdii iyo dadkii wax soo saarayey ee dalka wax usoo saarayey, shirkanina waa mid wasaaradda ganacsiga oo kaashanaysa Baanka Adduunku ay soo diyaarisay, ganacsataduna dawladda xaq bay ku leeyihiin, dawladduna xaq bay leedahay, iyadana xaq baa lagu leeyahay. Dawladdu waa inay abuurtaa qawaaniin lagu kala baxo, jawi nadiif ah oo lagu shaqayn karo, waa inay amniga ilaaliso oo soo saarto jiil tacliin leh oo ay caafimaadka daryeesho, dawladduna baayac-mushtar ma aha oo  lacagta meel kale kama keentee idinka ayey idinka keentaa.”

099A0116Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) oo shirka ka jeediyey hadallo salka ku haya sidii loo hormarin lahaa ganacsiga ay wada yagleenaa dawladda iyo shacabku, ayaa sheegay inay mudan tahay sidii kulanka loogu kala faa’iidaysan lahaa, isla markaana looga soo saari lahaa maxsuul manfaciisa loo aayo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Maanta waxa farxad weyn ii ah inaan idin kala soo qayb-galo madashan ay ku tashanaan dawladdii iyo ganacsigii gaarka loo lahaa oo ah laba aan kala maarmin, runtiina waa mid mar walba loo baahnaa, muhiimadduna  in haddii la isu yimi in aad loo kala faa’iidaysto oo arrintaasi noqoto aqoon is-weydaarsi wax weyni kasoo baxo oo aynu hore ugu dhaqaajinno ganacsigeena iyo maal-gashiga dalku u baahan yahay, waana in labada dhinac is fahmaan oo ganacsatadii iyo dawladdu is fahmaan oo qolo qaliba doorkooda fahanto.”

099A0042Madaxweyne-ku-xigeenku isaga oo hadalkiisa, waxa uu hoosta ka xarriiqay inay aqoontu fure u tahay horumar kasta oo uu ganacsigu gaadho, isaga oo shaaciyey inay xukuumad ahaan xil weyn iska saari doonaan sidii ay usoo saari lahaayeen shuruuc iyo qawaaniin ganacsiga xukuumadda iyo shacabka ka dhexeeya la xidhiidha, “Aqoonta ayey wax waliba ku fadhiyaan, inaguna waxa aynu u baahan nahay inaynu aqoontii iyo ganacsigii meel isugu geyno, maantana dad badan baa jaamacadaha kasoo baxaye, waa inay ganacsatadu tababaraan oo shaqo geliyaan si  ay ganacsigooda hore ugu mariyaan, annaguna xukuumad ahaan waxa aanu diyaar u nahay inaanu shuruucda diyaarinno ama xoojinno oo sidii shacabku dhexdooda wax u wada yeelan lahaayeen, ama shacabka iyo xukuumaddu wax u wada yeelan lahaayeen aanu diyaarinno,” ayuu yidhi madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici).

099A0016

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories