HomeMadaxweyne-Ku-Xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb-Galay Munaasibad Lagu Soo Bandhigay Guulaha Mashruuca Kobcinta...

Madaxweyne-Ku-Xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb-Galay Munaasibad Lagu Soo Bandhigay Guulaha Mashruuca Kobcinta Danyarta Ee DAN-WADAAG

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka qayb-galay munaasibad lagu soo bandhigayey guulaha ganacsi ee uu gaadhay mashruuca DAN-WADAAG oo ay ku bahoobeen  ururro maxalli ah oo u tafo-xaytay sidii ay isku filaansho u gaadhi lahaayeen bahweynta danyarta ah ee ku dhaqan Somaliland, iyada oo aanay cid kale caawinaynin.

dan wadaag (1)Munaasibaddan oo maanta lagu qabtay Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa madaxweyne-ku-xigeenka ku wehelinayey tiro kamid ah golaha wasiirrada, siyaasiyiin, hormoodka ururrada maxalliga ah ee  dallada DAN-WADAAG hoos yimaadda iyo kumannaan kamid ah hooyooyinka danyarta ah ee ku lugta leh mashruucan afkaarta ganacsi loogu abuurayo guud ahaanba bulshada danyarta ah ee ku dhaqan gobollada iyo degmooyinka  Jamhuuriyadda Somaliland.

Masuuliyiin ka socota ururrada bulshada rayidka ah ee mashruucan maamula, wasiirka wasaaradda Shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada Marwo Hinda Jaamac Gaanni iyo xubno kamid ah haweenka danyarta ah ee  mashruucan ka faa’iiday oo halkaas ka hadlay, ayaa si faah-faahsan u sharraxay faa’iidada nololeed ee uu leeyahay iyo sida marwalba ay muhiim u tahay in isku-tashigu mudnaan gaar ah leeyahay, waxaana ay dhammaantood si isku mid ah bulshada qaybaheeda kala duwan ugu dardaarmeen inay isku tashadaan, isla markaana ay maankooda ka saaraan inay gacan shisheeye wax ka sugaan.

dan wadaag (3)Ugu dambayntii madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa bogaadiyey cidkasta oo ficil iyo fikirba ku darsatay mashruuca DAN-WADAAG ee loogu danaynayo dadka hayntoodu hoosayso, waxaana uu ballan qaaday inay xukuumad ahaan qorshahooda ku darsan doonaan mashruuca midho-dhalka ah ee lagu kobcinayo danyarta reer Somaliland,  waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Cid kasta oo wax qabsataa waxa ay mudan yihiin in la bogaadiyo oo la garab istaago oo wax la taro, hortiinana waxaan ka ballan-qaadayaa in aanu sanadka soo socda ka shaqayn doonno qaabkii wax la idinku tari lahaa ee qorsheyaasha qaranka meel la idiinkaga soo gelin lahaa, waxaana aanu ku dedaali doonnaa ka madaxweyne ahaan ilaa golaha wasiirrada in aanu hawshiinnaas geynno oo laga doodo qaabkii wax la idiin tari lahaa ama wax la idiin kugu biirin lahaa, maadaama oo aad meel isa soo taagteen.”

dan wadaag (2)

Madaxweyne-ku-xigeenku, waxa uu intaas ku daray inay xukuumad ahaan daraasadaynayaan sidii mashruuca DAN-WADAAG looga dhigi lahaa mid heer qaran ah, maadaama oo faa’iidooyin badan oo bulshada u dan ahi kasoo baxeen, “Mustaqbalka waxaanu daraasadaynaynaa mashruuc magaca DAN-WADAAG ku shaqeeya oo qaranka iyo iyagaba wax tara, maantana madaxweynaha iyo xukuumadda joogta waxaanu aaminsanahay in aan qarankan cid nooga lexejeclo badani in aanay jirin, mar walbana waxaanu jecellahay in meesha aynu joogno meel ka sarraysa aynu qaranka gaadhsiinno,” ayuu yidhi madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici).

 

Mashruucan DAN-WADAAG, ayaa  ah, hannaan lagu mideeyo qoysaska danyarta ah ee ku dhaqan guud ahaanba Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo loo curiyo afkaar ganacsi oo ay noloshooda kor ugu qaadaan, waxaana haatan xubno ka ah ugu yaraan 18,900 oo qoys oo danyar ah, isaga oo abuuray lix iyo toban kun shan boqol iyo afartan (16,540) ganacsi oo ay dhammaantood gacanta ku hayaan dadka danyarta ahi si madax-bannaana u maamulaan.

 

Wa-bilaahi Tawfiiq

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories