HomeMadaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo Furay Waax Qaabilsan Maal-gashiga oo Wasaaradda Ganacsigu leedahay...

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo Furay Waax Qaabilsan Maal-gashiga oo Wasaaradda Ganacsigu leedahay iyo Nuxurka hadal uu ka jeediyey munaasibad lagu daah-furay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxamaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qayb galay xaflad lagu furayay xafiiska maal-gashiga ee wasaarada ganacsiga kaas oo munaasibad loogu qabtay Huteelka Ambasador ee Magaalada Hargaysa.

Munaasibaddan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qeyb galay Wasiirrada Wasaaradaha ganacsiga Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, Qorshaynta qaranka Dr Sacad Cali Shire, Xanaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw-Daahir iyo Gudoomiyaha Rugta Ganacasiga Somaliland Md Maxamed-Shukri.

maalgashigaWaxa kale oo munaasibadda ka qayb-galay saraakiil ka socotay Shirkado laga leeyahay dalka Shiinaha oo qorsheynaya inay Somaliland ka hirgeliyaan maal-gashi ay ku samaynayaan Wershado soo saara Qalabka Elektaroonikada iyo Gaadiidka.

Wasiirka Wasaaradda Ganacasiga iyo maal-gashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xafiiska maal-gashigu wax weyn ka tari doono waaxda maal-gashiga ee wasaarada dhawaan lagu soo kordhiyay.

maalgashiga2Dr. Maxamed Cabdilaahi waxa intaa ku daray in shaqadiisu ay noqon doonto xafiiskan sidii uu dalka ugu soo jiidi lahaa maal-gashadayaal badan oo ka qayb qaata horumarinta dhaqaalaha Dalka.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in xafiiska maal-gashiga ee wasaarada ganacsigu uu ka qayb qaadan doono horumarinta dhaqaalaha dalka, kaas oo uu sheegay in aan looga maarmin hawlaha ganacsiga.

sayliciMadaxweyne xigeenku waxa uu xusay in xafiiskani uu wax ka tari doono dhinacyada kor u kaca dhaqaalaha, shaqo abuurka waxaana uu ku bogaadiyay masuuliyiinta wasaarada Ganacsiga tallaabada furitaanaka xafiiskaas.

DHEGAYSO CODKA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories