HomeMadaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland oo furay Shirweyne lagaga hadlayo horumarinta Waxbarashada Mandaqadda Af-Soomaaliga...

Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland oo furay Shirweyne lagaga hadlayo horumarinta Waxbarashada Mandaqadda Af-Soomaaliga lagaga hadlo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland  Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay ka furay Caasimadda Hargaysa shir caalami ah oo lagaga hadlayo tayaynta Waxbarashada Carruurta ku hadasha Af-Somaaliga.

Waxaa shirkaas soo qaban qaabisay Hay’adda horumarinta Waxbarashada ee EDC, kaas oo socon doona muddo saddex maalmood ah, waxaana ka soo qayb galay Aqoon-yahano, Ururrada bulshada rayidka ah, Jaamacado badan iyo marti-sharaf kale oo ka kala socday Waddamo ka tirsan Mandaqadda geeska Afrika gaar ahaan inta lagaga hadlo Luuqadda Soomaliga.

blankWaxa ugu horreyn halkaasi ka hadlay Madaxa Bariga Afrika ee Hay’adda horumarinta Waxbarashada ee EDC Mr. kenti benal iyo Madaxa Hay’addaas ee Somaliland Dr.  Khadar Bashiir Cali oo sheegay in shirkani uu faa’iido ballaadhan u leeyahay Waxbarashada Carruurta ku hadasha Af-Soomaaliga, waxaanay tilmaameen in shirkan kii ka horreeyay lagu qabtay dalka Malaawi, isla markaana sannadkan loogu xushay Somaliland Nabad-gelyada, nidaamka dawladnimo iyo horumarka ka jira dalka  Somaliland.

Madaxda hay’adda EDC waxay  intaas ku dareen in Somaliland ay door muhiim ah ka qaadato kobcinta iyo  horumarinta Waxbarashada, isla markaana ay Hay’ad ahaan wada shaqayn fiican la leeyihiin Xukuumadda Somaliland.

Madaxwayne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo si rasmi ah u furay shirkaas caalamiga ah ayaa muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay ka qabsoomidda shirka ee Caasimadda Hargeysa. Madaxwayne ku xigeenku waxa uu sheegay muddadii koobnayd ee ay Xukuumaddoodu talada dalka haysay inay ku talaabsatay arrimo wax ku ool ah oo ku wajahan dhinaca Waxbarashada isagoo tusaale u soo qaatay kor u qaadista Waxbarashada Carruurta iyo tayeeynteedaba. Md. Saylici waxa uu xusay  in ay ka daayeen Fiigii ama lacagtii laga qaadi jiray ardayda wax ka barata dugsiyada hoose/dhexe ee dalka oo dhan, isla markaana ay sameeyeen komishanka Tacliinta sare ee Somaliland u gaar ah.

Ku-xigeenka Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu sheegay in saddex dariiq ay sahlayaan in ardaydu ay waxbarasho helaan, kuwaas oo kala ah  helitaanka goobihii Iskuullada, Macaallimiinta wax ka dhigaysa iyo Siyaasadda Waxbarasho ee lagu maamulayo.

Madaxwayne ku-xigeenku waxa uu u soo jeediyey dhammaanba ka qayb-galayaasha shirkani inay ka faa’iidaystaan xogta ka soo baxda shirwaynahan isagoo u mahad celiyey hay’adda soo abaabushay shirka ee EDC.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ka hadashay furitaankii shirkaas ayaa sheegtay sidii Somaliland looga faa’iidaysan lahaa horumarka ay ka samaysay dhinaca Waxbarashada gaar ahaan sidii ay ku soo bilaabantay iyo heerka ay haatan marayso. Waxaanay Wasiirka Waxbarashada Somaliland gacmo furan ku soo dhawaysay guud ahaanba ka qaybgalayaasha Shirka ee ka kala yimi dalalka kala duwan iyo Hay’adda hawshaa ka qaybqaadatay.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories