HomeMadaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Dhagax Dhigay Dhismaha Cusub Ee Ballaadhinta Dekeda Berbera

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Dhagax Dhigay Dhismaha Cusub Ee Ballaadhinta Dekeda Berbera

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berbera (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha cusub ee ballaadhinta dekedda iyo Free Zone-ka Berbera.

2Munaasibad ballaadhan oo loo qabtay xaflaadaasi dhagax-dhigga ah ayaa waxa goob-joog ka ahaa Wasiiro, Xildhibaano, Madax-dhaqameed iyo marti sharaf kale ka timid dalalka jaarka iyo waddo kale oo lagu soo casuumay munaasibadaasi.

Maareeyaha dekeda Berbera Siciid Xasan Cabdilaahi oo munaasibadaasi furay ayaa ka xog waramay halka ay marayso shaqada ballaadhinta dekedu iyo guud ahaan horumarka ay ku talaabsatay dekedda Berbera.

099A9500Agaasimaha Maamulka iyo qorshaynta shirkadda DP WORLD Sheekh Cadnaan Al-cabaad oo ka hadlay Munaasibadaa ayaa sheegay in DP WORLD wax-qabad la taaban karro ay ka fulisay Dekeda weyn ee Berbera iyo guud ahaan gobolka saaxil, waxa uu sheegay agaasimuhu in DP WORLD aanay ku mashquulsanayn kaliya Dekeda balse ay qayb laxaadleh ka qaadanayaan adeegyada gaarka ah ee bulshada gaar ahaan waxbarshada, biyaha iyo caafimaadka oo uu sheegay inay door muuqata ka qaataan horumarintooda.

099A9679Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici oo isna khudbad dheer munaasibadaasi ka jeediyay ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland dadaal dheer ugu jirto sidii Somaliland loo maal-gashan lahaa, islamarkaana waxa uu madaxweyne ku-xigeenku ugu baaqay guud ahaan bulshada reer Somaliland inay si weyn usoo dhaweeyaan cid kasta oo dalkani maal-gashanaysa.

Md Cabdiraxmaan Saylici waxa uu yidhi, “Maanta waa maalin qiimo leh, aad baan ugu faraxsanahay in hawshan weyn aynu bilawno, xukuumadu dadaal ayay ugu jirtaa sidii aynu u heli lahayn cid dalkeena maal-gashi ku samaysa, maanta waxaanu halkana u joognaa ballaadhintii dekedda, aad baan ugu mahadcelinayaa shirkadda DP WORLD.

099A9665Isagoo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Waxaan rajaynayaa in dekeda iyo madaarkuba bilaw wanaagsan u noqon doonaan horumarka Somaliland, waxaan ugu baaqayaa guud ahaan bulshada reer Somaliland gaar ahaana bulshada reer Saaxil inay la shaqeeyaan soona dhaweeyaan cid kasta oo dalkani maal-gashanaysa,” Sidaas ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Saylici.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories