HomeMadaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo Daah-furay Qorshaha Wax-qabadka Shanta Sanno ee Hay'adda Shaqaalaha...

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo Daah-furay Qorshaha Wax-qabadka Shanta Sanno ee Hay’adda Shaqaalaha Dowladda oo Heerarka Caalamka La jaan-qaadaya

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa maanta Daah-furay Qorshe-hawleedka shaqo ee Shanta Sanno ee soo socda ay ku hawl-gali doonto Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland.

blankQorshaha maanta la daah-furay oo maamulka Hay’adda Shaqaaluhu diyaarinteeda ku hawlanaayeen labadii bilood ee u dambeeyey, ayaa ujeeddadiisu tahay sidii shaqaale-weynaha dowladda loogu jeexi lahaa nidaam shaqo oo lagu jaan-go’an qorsheyaasha horumarinta qaran oo la jaan-qaadaya nidaamyada caalamiga ah.

Dejinta, diyaarinta iyo habaynta Qorshe-hawleedkan oo qaatay muddo laba bilood ah, waxa iska kaashaday Hay’adda Shaqaalaha Dowladda iyo Mashruucda dib-u-habaynta Shaqaalaha dowladda oo Baanka Adduunku maalgeliyey.

Munaasibadda daah-furka oo ku qabsoontay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, waxa ka qayb-galay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, masuuliyiinta hay’adda Shaqaalaha dowladda, saraakiil ka socota Baanka Adduunka iyo madaxda baanka Somaliland.

Ugu horeyn waxa munaasibadda hadal ka jeediyey isla markaana muhiimadda daah-furka qorshahan sharraxaad ka bixiyey Madaxa Mashruuca Dib-u-Habaynta Shaqaalaha Dowladda ee Baanka Adduunka Cabdi Aadan Diiriye.

blank
Madaxa Mashruuca Dib-u-Habaynta Shaqaalaha Dowladda Cabdi Aadan Diiriye.

“Siyaasadda Qorshe-hawleedkan aan samaynay muddo ayay soo qaadatay, waxaan u mahad-celinayaa cidii ka soo shaqaysay iyo agaasime waaxeedyada hay’adda shaqaalaha iyo agaasimayaasha ka socday wasaaradaha. May hawl-fududayn, muddo laba bilood ah ayay qaadatay in la soo saaro qorshe shan sanno ah oo hay’adda shaqaaluhu ku shaqayn doonto,” Sidaa waxa yidhi Madaxa Mashruuca Dib-u-Habaynta Shaqaalaha Dowladda Cabdi Aadan Diiriye.

blank
Agaasimaha Guud ee hay’adda Shaqaalaha Dowladda Xamse Suldaan Aadan Suldaan Faarax.

Agaasimaha Guud ee hay’adda Shaqaalaha Dowladda Xamse Suldaan Aadan Suldaan Faarax oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa faahfaahiyey waxyaabaha ugu muhiimsan ee Qorshahani ka kooban yahay. “Qorshe hawleedkani waxa uu ka kooban yahay lix cutub oo kuwa ugu waaweyn ay ka mid yihiin Daba-galka iyo Qiimeynta (Monitoring and Evaluation). Waxa kale oo ka mid ah Jihaynta hawl-qabadka oo ah in si fiican loo qabto hawsha,” Sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee hay’adda Shaqaalaha, waxaanu halkaas uga mahad-celiyey masuuliyiintii ka qayb-qaatay dejinta barnaamijkan oo uu sheegay inuu hormood ka yahay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda.

Waxa kale oo munaasibadda ka hadlay Sarkaal ka socday Baanka Adduunka oo maalgeliyey Mashruuca Tayaynta iyo dib-u-habaynta Shaqaalaha Dowladda, ayaa halkaas ka sheegay muhiimadda ay leedahay xogta uu xambaarsan yahay Qorshaha hawl-qabadka Shanta Sanno ee maanta la daah-furay oo uu tilmaamay inuu yahay mid ay si weyn u qiimeeyaan Dowladaha Adduunku, waxaanu masuuliyiinta hay’adda shaqaalaha ku boorriyey inay ku dedaalaan sidii loo dabbaqi lahaa isla markaana looga midho-dhalin lahaa ka-faa’idaysiga macluumaadka ku duugan.

blank
Sarkaalka ka socday Baanka Adduunka

“Waxaan jeclahay inaan u mahad-celiyo Hay’adda Shaqaalaha Dowladda (Civil Servie Commission) oo tacab badan geliyey. Marar badan oo hore waan sheegay, mar kalena inaan ku celiyo ayaan doonayaa; Waddan ma jiri karo, haddii aanay dowladi jirin,” Sidaas ayuu yidhi yidhi Sarkaalka ka socday Baanka Adduunka oo halkaas ka ballan-qaaday inay sii wadayaan wada-shaqaynta iyo taageerada dhaqaale ee Hay’adda Shaqaalaha dowladda.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Farxaan Aadan Haybe oo munaasibadda ka hadlay, ayaa sharraxaad ka bixiyey qorshaha heer Qaran ee Shaqaale-weynaha dalka iyo sida uu u la jaan-qaadayo qorsheyaasha ay ku hawl-galaan dalalka adduunka ee horumaray.

blank
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Farxaan Aadan Haybe

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in qorshaha Hawl-qabadka Shanta Sanno uu ku salaysan yahay Hiigsiga Horumarineed ee Qorsheyaasha ay ku shaqeeyaan dalalka Caalamku iyo sidoo kale tiirarka qorsheyaasha Horumarineed ee heer Qaran.

“Qorshe Wax-qabad oo la muddeeyey oo ujeeddooyin iyo natiijo laga sugayo leh oo meel yaalla la’aantii ma shaqaynayo. Qorshe hawleedka Shanta sanno ee soo socda ee Hay’adda Shaqaalaha Dowladdu waxa uu ku qotomaa Yoolalka horumarka waara ee Caalamiga ah (International Sustainable Development Goals) oo qodobkiisa 17aad ayuu ka soo farcamayaa, waxa uu ku qotomaa Ajandaha Midowga Afrika, waxa kale oo uu ku qotomaa Qorsheyaasha Hiigsiga Horumarka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee 2030-ka (Somaliland National Vision). Waxa kale oo aan ka soo dheegannay tiir ka mid ah Tiirarka Qorshaha Horumarineed ee Qaranka wejigiisa labaad (National Development Plan NDP II). Waxa kale oo uu ku qotomaa Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dabcan xeerka Shaqaalaha Dowladda ee aanu dib-u-eegista ku samaynay oo golaha Wasiirrada la horgeyn doono nuqulkiisaa koowaad, sidaan ku hortagi doona baarlamaankana si loo ansixiyo,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Farxaan Aadan Haybe.

blankGuddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Qorshahan waxa uu ku qotomaa lix tiir oo lagu saleeyey xogta laga soo ururiyey ee aanu u aragnay udub-dhexaadka iyo Mucda in lagu tayayn karo oo lagu horumarin karo Xuquuqda Shaqaalaha iyo Xaqa Shaqada, sidoo kalena lagu tayayn karo aqoonta Shaqaalaha iyo waayo-aragnimadooda.”

blank
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabidlaahi Ismaaciil (Saylici)

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo isaguna munaasibadda ka hadlay, ayaa Guddoomiyaha iyo masuuliyiinta kale ee hay’adda shaqaalaha ku ammaanay wax-qabadka ay sameeyeen, isagoo dhinaca kale iftiimiyey muhiimadda qorshahani u leeyahay horumarka dalka.

“Waa arrin weyn oo laf-dhabar u ah shaqada iyo shaqaalaha, bani’aadamkuna haddaanu yool lahayn wuu hallaabayaa, waana mid loo baahnaa in la sameeyo Qorshaha hay’adda shaqaalaha, runtiina waan ku ammaanayaa hawshan ay qabteen hay’adda shaqaalaha oo uu ugu horreeyo Farxaan iyo masuuliyiinta kale aad iyo aad ayaanu ugu mahad-naqaynaa, hawl weynbay hayaan,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

 

blankblankblankblank

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories