HomeMadaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Daah-Furay Qalabka Xadidaadda Xawaaraha Gaadiidka (Speed Governor)

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Daah-Furay Qalabka Xadidaadda Xawaaraha Gaadiidka (Speed Governor)

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargaysa (SLpost) Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa daah-furtay qalabka xadidaada xawaaraha gaadiidka (Speed governor).

Munaaasibada lagu daahfurayey qalabkan oo uu ka qayb galay madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa waxa lagu qabtay Waaxda Gaadiidka ee  Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

Qalabkan oo lagu xidhi doono gaadiidka u kala goosha gobolada dalka si loo yareeyo khasaaraha shilalku keenaan.

Munaasibadan ayaa waxa  ka qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday xukuumadda, shirkadaha gaadiidka iyo ciidamada nabadgelyada wadooyinka.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo munaasibadaasi khudbad ka jeediyey ayaa  waxa uu ka hadlay muhiimada qalabkani leeyahay waxaanu yidhi “Ujeedada ugu weyn ee aynu waxaasi oo dhan u samaynaynaa waa  nabadgalayda iyo badqabka bani aadamka, aduunyada waxaasi oo sharci iyo nidaam ahna waxa loo samaynayaa waa in bani aadamka la badbaadiyo oo aanu qofku dayacnaan ku dhiman, waxa ay muhiimadeenu tahay maanta inaynu xilkaasi wada qaadno oo dadkuna u diyaar garoobaan, waana inaynu u wada istaagno dawlad ahaan, shirkad ahaan iyo darawaliin ahaanba inaynu masuuliyadaasi wada qaadno, markaa waxaan ugu baaqayaa dadweynaha in nidaamka wasaaraddu soo dejisay wada aqbalaan”.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan oo isna munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka halday ujeedada ay ka leeyihiin qalabkan waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Ujeedada aynu maanta iskugu nimid waxa weeyi daahfurka qalabka xadidaada xawaaraha ee gaadiidka,, waxaana hore loo sheegay oo agaasimaha guud sheegay daraasadaasi aanu samaynay 2018 kii shilalka waxyaabaha keena sadex sababood ayaa ugu badnaa kuwaasi kala ah gaadiidka, darawalka iyo wadooyinka, waxaana aynu noqon doonaa dalkii labaad ee bariga Afrika ee hawshani ka hirgasho, waxaana nasiib wanaag noo ah maanta inaga oo Somaliland ah, Itoobiya oo aad ogtihiin inuu yahay wadamada ugu horumarsan inagaa ka horeyna, markaa waxa inoo sharaf ah in maanta in aan nahay wadanka labaad ee bariga Afrika ee ay hawshan ka hirgaasho, waxaan  ka  codsanayaa dhammaan mulkiileyaasha gaadiidka waxa aad haysataan muddo sadex bilood ah oo gaadhi kasta oo la siinayo qalabkan waxa waajib ah inuu sito Liisan, liisankana maaha kii hore ee waa ka cusub, waxaan u mahadnaqayaa shirkada GTS iyo shirkada Infinity oo hawshan qayb ka ah.”

Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cumar Cabidlaahi Aadan (Cumar-Sayid) oo munaasibadaasi khudbada furitaanka ka jeediyey ayaa waxa uu yidhi

“Wasaaradda gaadiidka masuuliyadeedu waxa weeyi in la helo gaadiid dadka iyo badeecadaha u kala qaada dalka oo nabdoon oo badqaba, arintaasi iyada oo wasaaraddu ka duulaysa, isla markaana maanka ku haysa shilalkii badnaa ee wadanka ka dhacay, waxa aanu wasaarad ahaan hindisnay in la helo qalab lagu xadido”.

Wasiirada wasaaraddaha Maaliyadda Sacad Cali Shire iyo Ciyaaraha Boos Mire Maxamed oo munaasibadaasi khudbad ka jeediyey ayaa waxa ay xuseen in muhiimad weyn u yahay qalabkani gaadiidka dalka iskaga  kala goosha.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Taliyaha nabadgelyada wadooyinka aaga bari ee magaalada Hargeysa Dhamme Sugule, Aas aasaha shirkadda caymiska ee Horn of Africa Insurance Marwo Yusur Abraar, Guddoomiye ku xigeenk Gobolka Maroodijeex Mudane Khadar Baaruud, La taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bulshada Mudane Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, Xildhibaan Obama iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Bile oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa ay ka warameen muhiimada uu qalabkani gaadiidka iyo badbaadinta dadka u leeyahay.

Ugu dambeyn waxa halkaasi lagu gudoonsiiyey shahaado sharaf la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha Tiknoolajiyada iyo shirkada GTS, taasi oo ay ku mutaysteen sida ay ula shaqeeyaan wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka.

blank
© Communication Office of the MoRTD, Somaliland.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories