HomeMadaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Berbera Ka Furay Hoteel Casri Ah Oo...

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Berbera Ka Furay Hoteel Casri Ah Oo Ay Hirgalisay Shirkadda Dahabshiil Group

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berbera (SLpost)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 17.07.2017 xadhiga ka jaray hotel casri ah oo laga hirgaliyey Berbera.

Hotelkan oo ay hirgalisay shirkada Dahabshiil Group oo ayaa laga furay bartama Magaalada Berbera, waxaana furitaankiisa loo qabtay xaflad heersare ah oo ay ka qayb galeen, masuuliyiin kale duwan oo dawladda ka tirsan.

099A1763Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa yidhi “ waxa runtii dhammaanteen farxad inoo ah inaynu ka soo qayb galno, daahfurka hotelkan cusub ee Damal Berbera oo ay maalgalisay shirkada Dahabshiil Group oo aan u baahnayn sharax badan, Ummadda reer SOmaliland meel kasta oo ay joogto iyo maalta Afrika oo dhan laga aqoonsan yahay, waynu u hambalyeynayaa, xaaajiga iyo kooxda la shaqaysa, horumarka balaadhan ee ay dalka ku soo kordhinayaa, oo ah mid loo baahan yahay, dalkani waa dal maanat curdin ah, mudo dhawr iyo labaatan sanadood ah ayeynu soo yabyabnay, meelw anaagsan ayeynu soo gaadhiisnay nidaam iyo kal dambayn ayeynu dhisanay, waxana aynu u baahan inay mar wlaba halkaa ka sii qaadno, mar walba Xukuumadaydadu waxay dhiirgalinaysaa soo jiidashada maalgashiga shisheeyaha.”

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa isaguna halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi “ Waannu bogaadinaynaa shirkada Dahabshiil group horumarka balaadhan ee ay samaysay, guud ahaan dalka iyo dunidaba, si gaar ah kan aynu maanta Hotelkan weyn ee magaallo madaxda gobolka Saaxil ku soo kordhay ee Berbera ee aynu joogno, aad iyo aad ayaannu u bogaadinayaa, hoteelkan magaallada Berbera waa looga baahnaa kuwo kale oo badana waa loogga baahan doonaa, waayo halkani waa marsadii qarankan, waa meeshay aynu doonayno inaynu dunida oo dhan iyo wadamada qaarada Afrika in badan oo ka mid wax u marino, inaynu qurxino iyo inaynu weel u tolno, in meel dunidu ku soo degto, meel laga ganacsado si ay u noqoto.”

Wasiirka Madaxtooyada ayaa sidoo kalena hambalyeyey shirkada Dahabshiil waxaanu yidhi “ Runtii hoteelkan aynu maanta furayno ee Xaaji Maxamed Saciid iyo shirkada Dahabshiil waxay astaan u tahay Berbera iyo koritaankeeda, inaynu dhinaca wanaagsan u socono ayey tusaale u tahay, waxa ay tusaale u tahay dhulka Berbera ee kacaya iyo dayrarka kacaya, waxay markhaati ka yihiin siyaasadii aannu qaadanay ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland nagu hoggaaminayey, ee madaxweyne ku xigenku nagu hoggaaminayey, ee ahayd siyaasad hano-qaaday, ganacsiga gaarka loo leedahay ee dalkani wuu dano qaaday ee ay shirkada Dahabshiil kow ka tahay.

Shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay wax badan ayey dalka ka qabteen, waxa sababay nabadda Somaliland ka hano qaaday, Dawladnimada, bisaylka Ummadeena, waxa shababay siyaasada Xukuumaddihii kala dambeeyey ay ku dhiirigaliyeen.”

“ Horumar faro badan ayaannu gobolkan ka wadnaa, Dekedii ayaannu ku wareejinay shirkad dhista, bulshada Saaxil way nala shaqaysay, dareenkaasna way soo dhawaysay, dood adag baa nagu dhex martay dagaal qadhaadh ayaa nagu dhex maray arrintaa dad badan oo siyaasiyiin ah, annaguna waxaannu wadnay geediga horumarka iyo maalgashiga in aannu ummadda u soo jiidno, dad kalena waxay wadeen inay nashuushadeeyaan waxaa wanaagsan ee aannu wadnay, bulshada Saaxil waxay taageereen ray’igii caafimaadka qabay ee horumarka horseedka u ahaa, waa Cashiimo qaad, waa bisayl cashiimada ka soo horjeeda, halan hodheelo hore oo waa weyn ayaa laga dhisay, oo Cabdiqaadir Xaashi Cilmi uu Maansoor hoteelka barxada ugu weyn ee magaallada haysta, taasina cashiimo qaad ayey muujinaysaa.”

Wasiir Xaashi ayaa sidoo kalena baaq u diray ganacsada dalka waxaannu yidhi “ Ganacsatada dalka waxaannu ku dhiirgalinaynaa oo ugu baaqaynaa inay ganacsiga sii kordhiyaan oo wax qurux badan oo casri ah oo dunida u dhigna, oo dad badan ayaa inoo iman doonee aynnu weel u samaysano, inay meel walba wax ka dhisaan oo dalkooda aaminaan ayaanu ku dhiirigalinaynaa, waxaannu leenahay waar lacagta badan ee malaayiinka doolar aynu galino dhulka, oo hoteeladan oo kale ah iyo Cisbitaalada aynu dibada ugu baxno aynu halkan ka dhisano.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories