HomeMadaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo Xubno Wasiirro ah oo ka Qayb-galay Munaasibad Shahaadooyin...

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo Xubno Wasiirro ah oo ka Qayb-galay Munaasibad Shahaadooyin lagu guddoonsiiyey Arday ka Qalin jabisay Jaamacada Geeska Afrika

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa Maanta ka qayb galay labo Munaasibad loo sameeyay dufcadii kowaad ee ka qalin jebisay Jaamacada Geeska Afrika iyo 305 Arday oo ah dufcadii shanaad oo iyana waxbarashadooda ka dhamaystay Jaamacadda Golis ee magaalada Hargaysa.

Waxaa kale oo Munaasibadahaas ka qayb galay Wasiirada Waxbarashada, Maaliyada, Diinta iyo Awqaafta,Beeraha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Wasiir ku xigeenka Waxbarashada, Maamulka iyo ardayda ka qalinjebinaysa jaamacadaha Geeska Afrika iyo Golis, halka sidoo kalena ay goobjoog ka ahaayeen Mayor-ka caasimadda iyo mas’uuliyiin kale.

Gudoomiyaha Jaamacada Geeska Afrika Sh. Almis Yaxye Xaaji Ibraahin oo madashaasi ka hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay marxaladihii kala duwanaa ee ay jaamacadani soo martay intii ka danbaysay aasaaskeeda,waxaa kale oo uu sharaxay kuliyadaha ay ardaydan Maanta qalin jebisay ka baxeen .

blankMadaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay dufcadan kowaad ee ka qalin jebisay jaamacadan,waxaanu sheegay in Xukuumada Somaliland ee talada haysaa ay dhiiri gelinayso koboca waxbarashada.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland waxa uu ku hambalyeeyay ardaydan shahaadooyinka la gudoonsiiyay sida ay uga midho dhaliyeen dadaalkii waalidkooda iyo Macalimiintooduba geliyeen,isagoo intaas ku daray in aqoontii ay kasbadeen ay uga faa’iideeyaan dalkooda hooyo.

Sidoo kale Wasiirada Diinta iyo Awqaafta Sh.Khaliil C.laahi Axmed ,Maaliyad Mudane C.casiis Maxamed Samaale, iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cali Xaamud  Jibriil ayaa dhamaantoodba wax lagu farxo ku tilmaamay ardaydan ka qalin jebisay Jaamacada Geeska Afrika .

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Hay’ada Xiftiga Qur’aanka Kariinka ah oo ka dhisan Wadamada Carabta Sh.Cabdale Binu Cali isla markaana balanqaaday in ardayda ka baxday kuliyada shareecada ay gacan ka siin doonaan sii ambo qaadka aqoontooda.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Jaamacada Golis DR. Siciid Axmed xasan oo munaasabadda qalinjebinta ardayda jaamacadda Golis ka hadlay ayaa warbixin ka bixiyey marxaladihii kala dambeeyey ee waxbarashada Jaamacaddu soo martay tan iyo mudadii la furay, halka sidoo kalena uu tafaasiil ka soii bixiyey qorshayaasha mustaqbal ee waxbarashada jaamacaddu ay b bixiso.

Waxaa kaloo iyana halkaa ka hadlay wasiiradaha wasaaradaha Maaliyadda iyo dhalinyarada iyo ciyaaraha oo ka waramay qiimaha ay waxbarashadu leedahay.

Mayor-ka Caasimadda Engineer Xuseen Maxamuud Jiciir oo isna munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in Dawlad hoose ahaan ay Fee-ga waxbarashada ka bixin jirtay Todoba iyo labaatan arday oo ka mid ah ardayda ka qalinjebisay maanta jaamacadda Golis kuwaasoo Todoba ka mid ahi ka tirsan yihiin shaqaalaha dawlada Hoose ee caasimadda.

Munaasabadda qalin jebinta jaamacadda Golis oo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md saylici uu khudbad qiimo leh ka jeediyey ayaa waxuu kaga waramay ahmiyadda ay waxbarashadu u leedahay bulshadeena, isagoo xusay doorka ay tacliinta dhinaca isgaadhsiintu ku leedahay horumarka dalka, taasoo uu ku tilmaamay mid u baahan in barashadeeda ahmiyad gaar ah la siiyo.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa Hambalyo u Diray dhamaanba Ardaydii Kala duwanaa ee Maanta Ka qalin Jabiyay Jaamacadda Gollis oo isagu Jiray Kulliyadaha Kala Ah Engineerka, Maamulka iyo Tignoolanjiyadda, Beeraha, Madaxweyne ku Xigeenku wuxuu sheegay inay Faraxad u tahay inuu Arko,dhalinyarada oo ah Mustaqbalkii Wadanka, kuna foogan kasbashada  aqoon kala gadisan si ay naftooda,ehelkooda iyo Qarankoodaba ugu shaqeeyaan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories