HomeMadaxweyne Ku-xigeenka oo la kulmay Dhalinyaro loo tabobarayo Hannaanka Hoggaaminta suubban

Madaxweyne Ku-xigeenka oo la kulmay Dhalinyaro loo tabobarayo Hannaanka Hoggaaminta suubban

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha madaxweynaha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xarunta qasriga madaxtooyada ku qaabilay 24-dhallinyaro ah oo ka kala socota gobollada dalka, kuwaas oo loo carbinayo hoggaaminta wanaagsan.

Dhallinyaradan oo haatan wax ku barata Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, isla markaana ay gacanta ku hayso hay’adda waddaniga ah ee CPA, ayuu madaxweyne-ku-xigeenku si kal iyo laab ah ugu soo dhaweeyey xarunta qasriga madaxtooyada, isaga oo warbixin ku saabsan isbeddelka ku yimi qiyamkooda dhinaca hoggaaminta muddadii ay ku jireen carbiska dhinaca hoggaaminta ah.

Xubno macallimiin iyo maamul isugu jira oo ka socda hay’adda waddaniga ah ee CPA, oo ay hormuud u ahaayeen Ismaaciil Xuseen Maxamed (Farjar), Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Mudane Xasan Cabdi Madar ayaa dhinacooda ku dheeraaday tacabka ay geliyeen ardayda ku hawllan barashada cilmiga hoggaaminta, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay da’yartani hayaan jidkii ay ku gudan lahaayeen waajibka ka saaran qarankooda.

 Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Boos Mire Maxamed, wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Maxamed Daahir Axmed iyo wasiir-ku-xigeenka Amniga ee wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Muuse Diiriye oo madasha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa dhallinyarada kula dardaarmay inay xil iska saaraan waddaniyadda iyo  ka qayb-qaadashada horumarka dalkooda, islamarkaana tusaale fiican ay u noqdaan dhammaanba da’yarta reer Somaliland.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha madaxweynaha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa da’yarta baranaysa hoggaaminta u muujiyey in xukuumaddu mar walba diyaar u tahay inay soo dhaweyso da’yarta ku hubaysan hoggaaminta toolmoon, iyaga oo dhallinyaraduna dhinacooda madaxweyne-ku-xigeenka weydiiyey su’aalo ku saabsan hannaanka ay ha’ayadaha kala duwan ee dawladdu u shaqeeyaan, islamarkaana soo bandhigay talooyin ay u arkaan inay wax ka tari karaan horumarka qaranka.

Dhallinyaradan oo isugu jirta wiilal iyo gabdho, islamarkaana lagu soo xulay imtixaan laga qaaday 113 qof oo barnaamujkan soo codsaday, ayaa dhinacooda uga mahadnaqay madaxweyne-ku-xigeenka muhiimadda ay xukuumaddu siisay da’yarta iyo sida xilka isaga saartay in da’yarta lagu aamino xilal sare oo hoggaamintooda lagu tijaabinayo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories