HomeMadaxweyne Ku-xigeenka Oo Ka Warbixiyay Socdaal Wefti Uu Hogaaminayaa Ku Tageen Dalalka...

Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Ka Warbixiyay Socdaal Wefti Uu Hogaaminayaa Ku Tageen Dalalka Waqooyiga Ameerika

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLP)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo muddooyinkii u dambeeyay socdaal ugu dalalka Mareykanka iyo Canada ayaa ka warbixiyay natiijada socdaalkaas, ka dib markii uu maanta dalka dib ugu soo laabtay.saylici+awdal

Cabdiraxmaan Saylici ayaa sheegay inuu socdaalkaas weftiga uu hogaaminayay ay ku tageen afar gobolka oo ka mid ah dalka Mareykanka, isla markaana ay kulamo la yeesheen jaalliyada reer Somaliland ee ku dhaqan halkaas, waxaanu xusay inay si balaadhan ay u soo dhaweeyeen jaalliyadahaasi, iyaguna ay uga warameen xaaladda guud ee dalka. “Waxaanu  socdaal ku tagnay waqooyiga Ameerika oo ah Mareykanka iyo Canada, ujeedada ugu weyn ee aanu u tagnayna waxay ahayd inaanu soo xog-wareysano ama aanu dalka uga warrano jaalliyada reer Somaliland ee degan labadaa waddan, runtii waxaanu isku hawlnay inaanu gaadhno gobollada ay jaalliyada reer Somaliland ee ugu badani degan yihiin, markaa Mareykanka waxaanu marnay afarta magaalo ee aanu is-lahayn jaalliyadaha ugu badan ayaa degan yihiin oo kala ah caasimadda dalka Mareykanka ee Washington, Minneapolis, Seattle iyo Ohio Columbus, halkaa runtii waxaanu kula kulanay jaalliyad aad iyo aad u qiimo badan oo muwaadiniin ah oo si sharaf leh noogu soo dhaweeyay. Anaguna dalkaanu uga warranay iyo xaaladihii taagnaa, iyaguna wixii talo iyo tusaale ah ee ay noo soo dhiibayeen waanu kasoo qaadnay. Waxa kale oo aanu ka hawl-galnay sidii ay isugu duubnaan lahaayeen ee dalka curdinka ah ee himillada dheer wata siduu qaran u noqon lahaa looga shaqayn lahaa.” ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenku.

Sidoo kale waxa uu ka warramay madaxweyne ku-xigeenku socdaalkii ay weftigiisu ku gaadheen dalka Canada waxaanu yidhi. “Waxaanu u gudubnay Canada oo markii hore qorshehayagu ahaa labada magaalo ee ugu waaweyn ee Ottawa oo caasimadda ah iyo Toronto, balse waxa kale oo aanu tagney oo na casuumay jaalliyada degan gobolka Alberto oo gobol cusub ah, wixii khilaaf yar yar ahaan waxaanu kusoo dhamaynay shir doceedyo, waxaananu ku dardaarnay inay isku duubnaadaan oo aanay mucaarad iyo muxaafid isku kala qaadin.”

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories