HomeMadaxweyne Ku xigeenka oo Ka Hadlay Shir lagu falan-qeynayay mashruuca GPLG ee...

Madaxweyne Ku xigeenka oo Ka Hadlay Shir lagu falan-qeynayay mashruuca GPLG ee D/Hoose ee dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay Mayarrada magaalooyinka dalka qaarkood, waxana lagaga wada hadlay natiijooyinkii ka soo baxay barnaamijkii maamul daadejinta Gobolada iyo degmooyinka ee mudada socday iyo sidii loo sii wadi lahaa mustaqbalka.

kulankan waxa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socday wasaaradaha uu khuseeyo mashruucani sida waxbarashada, caafimaadka, Biyaha, Arrimaha gudaha iyo Hawlaha guud oo ay wehelinayeen hay’adaha caalamiga ah ee Somaliland ka taageera mashruuca maamul daadejinta degmooyinka.

shirkii-maanta-300x200

Munaasabadaasi waxaa warbixino ku saabsan natiijooyinka wejiyadii hore ee mashruuca ka soo jeediyey qaar ka mid ah maayarrada magaalooyinka dalka ee kulanka ka qayb galay, waxana ay sheegeen in uu yahay mashruuc faa’iido badan u leh maamulada degmooyinka iyo dadweynaha Somaliland guud ahaantood, iyagoo ka codsaday xukuumadda Somaliland iyo hay’adaha kale ee ku shaqada leh in la sii wado mashruucani.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isna kulanka gebagebadiisii la hadlay Maayarrada ayaa sheegay in mashruuca maamul daadejinta degmooyinku uu yahay mid ka mid ah mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda, lagana doonayo golayaasha deegaanku inay uga faa’iideeyaan bulshada, isagoo dhanka kalena uga mahadceliyey hay’adaha gacanta ka gaysta hirgelinta mashruucaasi.

Somalilandpost.net

Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories