HomeMadaxweyne ku xigeenka oo Iska Diiwaangeliyay Xafiiska Kulmiye, Khilaafkii la Xaliyeyna ka...

Madaxweyne ku xigeenka oo Iska Diiwaangeliyay Xafiiska Kulmiye, Khilaafkii la Xaliyeyna ka Hadlay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Hargeysa(SLpost)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mud. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” ayaa bookhday xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE ee Hargeysa oo uu iska diiwaangeliyey, qaatayna Kaadhka diiwaangelinta ee ka qaybgalka Shirka golaha dhexee xisbiga, waxana wehelinayey wasiiru-dawlaha maaliyadda iyo xubno kale. Madaxweyne-xigeenku waxa uu soo dhaweeyey shaqada lagu diyaarinayo kaadhadhka aqoonsiga ee lagaga qaybgalayo shirka oo uu ku ku tilmaamay mid caddaynaysa in aanay marnaba dhici karin wax is dabamarin ahi.

 

Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu sidoo kale ka hadlay heshiiskii xisbiga KULMIYE ka gaadhay muran iyo cabasho xubno murrashixiin ahi ka muujiyeen hawlaha qabanqaabada shirka golaha dhexe ee qorshuhu yahay inuu qabsoomo 10-ka bisha November 2015.

 

Isagoo ka hadlaya kaadh qaadashada xisbiga waxa uu yidhi, “Waxaynu la soconaa in dimuqraadiyadda Somaliland tahay mid curdin ah oo aynu raad-barad nahay, haddana waxa idiin muuqata in xisbiga KULMIYE yahay tusaalaha dimuqraadiyadda Somaliland, sababta oo ah waxaad la socotaan markii aannu mucaaradka ahayn golahayaga dhexe dad tirsan oo la yaqaanno ayuu ahaa, maanta oo aannu xukuumaddii nahayna dad tirsan oo la yaqaan oo hay’adihiisa sharciga ahi u dhisan yihiin ayuu yahay. Mar walbana wax naga xumaanayaa ma jiro oo nidaam dimuqraadi ah oo xaliibnaan ama waadax ah ayuu u dhici doonaa shirku haddii Alle ka dhigo, waxaanna taa caddaynaya sida daah-furnaanta ah ee loo diiwaangeliyo qof walba oo marka shirka la gaadhanaya la isku eegayo qofka magaciisa iyo sawirkiisa, taas ayaa idiin muujinaysa in wax la yidhaa isdabamarin iyo liisas la kala haysto sidii ay xisbiyo hore oo Somaliland ahi ku burbureen aanay jirin, annaga (KULMIYE) mar walba tiro go’an oo la yaqaanno weeye, taasina aanay soo gali karayn wax madmadow ahi”

Waxa kaloo uu ka hadlay xalka laga gaadhay khilaafkii jiray oo uu ku macneeyey inuu ku salaysnaa dimuqraadiyadda xisbigu caanka ku yahay, “Waxa kaloo muuqata in aannu maanta wax khilaaf ahi jirin oo saaxiibadayadii dareenka muujiyey ay iyaguna shalay (Arbacadii) halkan yimaadeen, caddeeyeena in ay hawsha qayb ka yihiin, xisbigana madax meel ka sarraysa oo la salaaxaa ma jiro ee hawsha mar walba waxa wadaya hoggaanka xisbiga oo kolba ciddii ay gacan uga baahdaana iyagaa samaynaya ee cid kale oo guddi u soo samaynaysa iyo meel kale oo wax looga soo magacaabayaa midna ma jirto. Sidaa darteed, sidaa aad aragteen ayuu xisbigu u soo ururay, tartan xalaal ah oo furana waa lagu tartami doonaa,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Saylici.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ku soo dhaweeyey Madaxweyne-ku-xigeenka xarunta xisbiga. Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad oo isagu madax u ah hawsha diyaargarowga shirka uu halkaasi warbixin kooban kaga siiyey halkay wax u marayaan oo uu xusay inay gabogabo ku dhaw yihiin diiwaangelinta liiska golaha dhexe.

 

Somalilandpost, Hargeisa Office, 2015

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories