HomeMadaxweyne Ku-xigeenka oo Furay Qaybo Cusub oo lagu Kordhiyey Wasaaradda Warfaafinta (Sawirro)

Madaxweyne Ku-xigeenka oo Furay Qaybo Cusub oo lagu Kordhiyey Wasaaradda Warfaafinta (Sawirro)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xadhigga ka jaray dhismeyaal cusub oo lagu kordhiyey wasaaradda Warfaafinta, kuwaas oo loogu talo-galay Qaybta Wacyi-gelinta ee Wasaaradda oo telefishanka Qaranku yeelanayo.

SAWIRRADA (3)Xafladda Xadhiga lagaga jarayey Dhismeyaayshan Cusub ee laga Hirgeliyey Xarunta Wasaarada Warafaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta oo lagu qabtey Hoolka shirar telefishanka, waxa ka soo qayb galey Mas’uuliyiin Marti Sharaf Fanaaniin, Ugu Horeyn Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland C/raxmaan Ismaaciil Saylici, Wasiirro, masuuliyiinta iyo shaqaalaha kala duwan ee wasaaradda.

SAWIRRADA (6)Cabdiraxmaan Saylici oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ayaa ka warbixiyey Horumarka Balaadhan ee Xukuumadu u Qabato dalka, isagoo Tusaale u swoo qaatey Labada Dhisme ee lagu soo Kordhiyey Xarunta Wasaarada Gaar ahaan Telefiishanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland.

Waxa kale oo isna halkaas hadal dar-daaran ah ka soo Jeediyey Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Ciyaaraha iyo Dalxiiska jamhuuriyada Somaliland Cali Siciid Raygal isagoo kula dardaarmey Dhalinyarada Saxaafada Somaliland iney ilaaliyaan Anxshaxa Gudbinta Wararka.

SAWIRRADA (5)Maareeyaha Guud ee Telefiishanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland oo isna Halkaas ka hadley ayaa ka Warbixiyey Dhaqaalaha Ku Baxay Istudio yaashan Xadhiga laga Jarey Waxaanu yidhi, “Qalabka Aanu ku Rakibney Istudio-gu waxa ku baxey $34 kun Dollar, laba Kamaradood oo aanu ku Rakibney Istudioga Cusub waxa ku baxay isna $ 20 kun oo dollar halka qalabka kale ee ay ka mid ka yihiin Sound Prove-ka iyo Mixer ay ku Baxdey $10 kun oo dollar.”

SAWIRRADA (2)Waxa isna Halkaas ka Hadley Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyada Somaliland ahna Ku Simaha Wasiirka Md Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxaan, waxaanu ka warbixyey Marxaladihii kala Duwanaa ee ay soo Mareen Dhismayaashan Maanta Xadhiga laga Jarey.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL oo isna Halkaas ka hadley ayaa ka Waramey Horumarka Balaadha ee Wasaaradu ku Talaabsatey Mudooyinkan u Dambeeyay isagoo tusaale usoo qaatey labada idaacadood ee Wasaaradu maamusho ee idaacada Qur’aanka iyo Radio Hargeisa oo Dhawaan lagu Baahiyey Gobolada Waaweyn ee Dalka.

SAWIRRADA (1)Gebagebadii munaasibadda, waxa ka hadlay badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamed Maxamuud Cali Ramaax oo ka Waramey Hormarka balaadhan ee Wasaarada Warfaafintu ku talaabsatey Mudooyinkii u Dambeeyay isagoo Bushaaro uu uga Sido Shacabka ku nool Sanaag kasoo Jeediyey Goobta lagu qabanayey Xaflada, waxaanu sheegay in Bulshada ku dhaqan Sanaag gaar ahaan Ceerigaabo ay ku hambalyeeyeen Xukuumadan iyo wasaaradaba Idaacadaha Quraanka iyo Radio Hargeisa Oo si Toos ah looga Dhageysto Magaaladaas.

 Labadan Dhisme ee Maanta laga Furey Xarunta Wasaarada ayaa loogu talogaley mid ka mida Xafladaha Wacyigelinta halka Mid ka kalena loogu talogaley Studio- laga tabiyo Baahinada ka Baxa Telefiishanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories