HomeMadaxweyne Ku-xigeenka oo furay Mashruuc 350 Qoys Guryo loogu Dhisayo

Madaxweyne Ku-xigeenka oo furay Mashruuc 350 Qoys Guryo loogu Dhisayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan CabdiLaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta ka qayb galay bilowga Mashruuc guryo loogu dhisayo 350 qoys oo ka mid ah dadka danyarta ah ee Ku dhaqan Magaalada Hargaysa.

Munaasibad lagu daah furayay Mashruucan Guryaha loogu dhisayo dadka dan yarta ah oo ay Fulinayso Hay’ada UN-HABITAT, kana faa’iidaysan doonaan qoysaska 350 Guri oo laga hirgalinayo Xaafada Ayaxa ee Koonfurta-galbeedka magaalada Hargaysa, waxaa ka qayb galay Wasiirada Wasaaradda Dibu dejinta, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Maayar ku xigeenka Magaalada Hargaysa iyo Mas’uuliyiin kale.

saylici11122-300x222Madaxa Hay’ada HABITAT Cabdi Aadan ayaa ka warbixiyay Mashruucan iyo faa’iidada uu ugu fadhiyo dadka danyarta ah isagoo xusay in hab bakhtiyaanasiib ah loogu qaybiyay dadka degi doona Guryahan.

Wasiirka Dib u dejinta ee Somaliland Md Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) ayaa sheegay in Mashruucan ay ku deeqday dawlada Japan isla markaana ay hirgalinayso hay’ada UN-Habitat. Waxa uu Wasiirku Xusay in Qorshaha loogu talo galay uu ku qotomo sidii ay hoy u heli lahaayeen barakacayaasha ka yimi Xeryaha Qaxoontiga iyo kuwa ku baro kacay dalka gudihiisa.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil oo gabagabada munaasabaddaas ka hadlay, ayaa u mahadceliyay Dawlada iyo dadka Japan ee ay ka timi deeqdan guryaha loogu dhisayo 350 qoys. Waxaa kale oo uu Madaxweyne ku xigeenku u mahadnaqay hay’ada UN/HABITAT ee Mashruucan fulinaysa doorkeeda la xidhiidha sidii ay beesha caalamka ugu bandhigto baahiyaha barkacayaasha iyo dadka danyarta ah ee dalka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories