HomeMadaxweyne Ku Xigeenka Oo Furay Bandhigga 12aad Ee Carwada Buugaagta Hargeysa

Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Furay Bandhigga 12aad Ee Carwada Buugaagta Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta daah-furay Bandhiga 12aad ee Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeisa oo sannad kasta lagu qabto magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa.

blank

 

Madaxweyne ku xigeenka oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa ugu horayn waxa uu u mahadceliyey maamulka iyo masuuliyiinta xarunta dhaqanka oo uu ku amaanay inay wax weyn kusoo kordhiyeen dalka, waxaana uu xusay in xarunta dhaqanka ee Haregysa ay qiimo balaadhan ugu fadhido qaranka Somaliland, waxaana uu soo dhaweeyey  martida ka timi waddamada kala duwan ee kasoo qeyb gashay bandhiga buugaagta.

 

blank

 

Dhanka kale Madaxweyne ku ixgeenka Somaliland ayaa shacabka reer Somaliand ugu baaqay inay barbar joogsadaan cidkasta oo wadda wanaag iyo wax ummadda dan u ah  wuxuuna yidhi “Waxaan leeyahay Ummadda reer Somaliland waxaan soo dhisnay qaran aan gacmaheena kusoo dhisnay oo aynu isugu soo geynay maskaxdeenii, muruqeenii iyo maalkeena, waxaan ku baaqayaa  ummadda reer Somaliland inay cidkasta oo reer Somaliand ah oo wax wanaagsan wadda in la garab galo”

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenku waxa uu ammaanay qiimaha ay qaranka ugu fadhido xarunta dhaqanku waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “Qiimaha ay inoogu fadhido xaruntani dadka reer Somaliland ee aqoonta leh waa ogyihiin, markaa waxaan leeyahay cidkasta oo ummadda reer Somaliland wax u taraysa  inaynu ka dayno xag-xagashada  oo aan garab joogsano oo ay gartaan cidda wax u taraysa iyo cidda wax  u dhimaysa”

 Waxa Kale oo Madaxweyne ku xigeenku uu Shacabka ugu baaqay inay ilaashadaan midnimadooda iyo wada noolaanshahooda “Waxaan leeyahay beesha caalamka, waxaa halkan maanta lasoo qaatay wada-noolaanshaha, wada-noolaanshuhu waxaan leenahay reer Somaliland siday u wada noolaan lahaayeen ee midnimadooda , dadnimadooda iyo horumarkooda meel uga soo wada jeesan lahaayeen ayaa looga baahan yahay, markaan innagu is dhisno aan ummad noqono meel u wada jeeda isku dana, isku diina waxaan qaban karnaa inaan adduunyada kalena ku darno wixii aqoonteena ah”

blank

 

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa fariin u diray Soomaaliya oo ugu baaqay inay danahooda ka tashadaan oo ay iska iloobaan ta Somaliland “Somaliland ninka maanta ku riyooyana inay Soomaaliya ku noqotaana waa nin aan habeen jirin baan qabaa annigu runtii hadduu nin reer Somaliland u dhashay yahay iyo hadduu cidda kale ee dibada inaga joogta yahayba, maanta Somaliand iyo Soomaaliya meel ay iskaga noqdaan ma jirto laba qaran oo kala socday noqdeen, qaran taaba galay iyo qaran wali soddon kaa sanno burbursan waxaan leeyahay umadda reer Somaliland nabad gelyadeeda iyo horumarka ay gaadhay ha ilaashato, iyagana waxaan ilaahay ka rajaynayaa in dhibaatada iyo dabkaa haysta Ilaahay ka bakhtiiyo oo ilaahay tawfiiqda dhexdooda usoo cesho, markaa waxaan leeyahay idinku tiina ka tashada oo taayada iska daaya”.

 

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories