HomeMadaxweyne ku-xigeenka oo Daahfuray Barnaamij lagu Tijaabinayo Xaqiijinta Xogta Codbixiyaha oo la...

Madaxweyne ku-xigeenka oo Daahfuray Barnaamij lagu Tijaabinayo Xaqiijinta Xogta Codbixiyaha oo la Casriyeeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne- ku-xigeenka c Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta daah-furay Barnaamij lagu tijaabinayo hannaanka lagu hubinayo Xogta cod-bixiyaha (Biometric voter verification), kaas oo kaas oo ah qorshe Komishanka Doorashooyinka Qaranka ku casriyeynayo Diiwaangelinta cod-bixayayaasha.

blankMasuuliyiin ka kala socotay saddexda xisbi Qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, masuuliyiin kale, diblumaasiyiin ajaanib ah oo uu kamid yahay safiirka Dalka Taiwan u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland iyo marti-sharaf kale ayaa goob joog ka ahaa daah-furka Barnaamujkan, waxana halkaas lagu sameeyey Diiwaangelin tijaabo ah oo lagu qiimaynayey qaabka uu u shaqaynayo nidaamkan casriga ahi.

Guddoomiyaha koomishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, Cabdirashiid Maxamuud Cali, (Riyo-raac), ayaa ugu horrayn faahfaahin ka bixiyay daahfurka qalabkan.“Waxa aynu halkan u fadhina daahfurka qalabka cusub ee dawladda Taiwan inanga caawisay, iyo tijaabadii qalabka laftiisa, oo aanu xisbiyada ka codsanay in xisbi waliba keeno toban qof, oo hay’adda shaqaalaha ka diwaangashan, iyo toban aan ka diwaangashayn, oo anagu aanan kala garanaynin, balse mishiinku noo kala saari doono hadii ILLAAHEY yidhaaho.

Waxa aynu haysanay diwaangelin sax ah oo qofka xogtiisa la kaydinayo indhihiisana la qaadayo, balse waxa aynaan haysan xogtii kaydsaneyd wixii lagu akhriyay, marka Taiwan waxa ay inoo dhammeystirtay in aynu akhri karno xogta codbiyaha ee inoo kaydsan”

Madaxweyne xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaaih Ismaaciil (Saylici), oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa yidhi. “Nidaamka isha ayaynu qaadanay oo labadii doorashe u danbeeyay kaadhadhkoodii ah, isla markaana khaladaadka soo galayay doorashooyinku aad iyo aad u koobnaaday, intii hadhayna maanta qalabkani innaga sii dhammeystirayo oo qofkastaana xaqiisa helayo, isla markaana hal cod sharci u leeyahay qofku, meeshana ka saarayso, qof maqan, qof u eeg, iyo wixii culayska noocaas ahi ka imananayay ay Meesha ka saarayso, farxad iyo guul ayay noo tahay,”

“Qofna mar labaad hungurayn mayo in uu mar labaad codeeyo, ama shakiba yimaado oo la yidhaaho waxba la khiyaameeyay, ama lagu tiraababa dad dhintay ayaa codeeyay,”Ayuu yidhi masuul ku hadlayay afka xisbiga UCID.

Xoghayaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in ay si weyn u soo dhaweynayaan qalabkan oo ay Somaliland ku caawisay Dowladda Taiwan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories